War Deg Deg:

Soomaaliya: Falastiintii Qarniga 21-aad ( Warbixin Xasaasi Ah ) FADLAN QOF KASTA OO SOOMAALI AH HA AKHRIYO WARBIXINTAN.

Like Saar
Bismi allah.
إِنّا لِلَّهِ وَإِنّاإِلَهِ رٰجِعون
Ugu horeyn, waxaan halkan tacsi uga dirayaa soomaalida oo dhan meelkasta oo ay joogto, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii intii ku dhimatey iyo intii ku dhaawacantayba, qaraxii ka dhacay Xamar gaar ahaan Zoobe 14/10/2017 iyo kii kale ee ka dhacay Hotel Naasa Hablood 2 intii dhimatey Jannatul fardowza Allah guri ha uga dhigo, intii ay ka baxeenna samir iyo iimaan ha ka siiyo, inta dhaawacantayna ha u boogadhayo.
Intaa ka bacdi, xaaladdda soomaaliya maanta waxay maraysaa meel aad khatar u ah. Waxaa ummadda Soomaaliyeed ku socda gumaad, iyo sinji-guurin (genocide ) aysan wali fahmin.Xaqiiqqada dhabta ah waxay tahay, haddii aysan soomaalidu wax fahmin oo aysan is daboqaban, in ay si dhakhso ah uga dabargo’idoonto dunidan guudkeeda.
Soomaaliya waa falastiintii qarnigan kow iyo labaatanaad; waxayna maanta mareysaa halkii ay Falastiin maraysay caaradkii ama horaantii qarnigii (qarnigeedii) labaatanaad.
Kadib, biloowgii qarnigii labaatanaad, markii Ingriiska - oo isagu waxa loogu yeerey Ogolaanshaha Qarammada Midoobey (UN Mandate) ku maamulayey Falastiin - ayuu isugu soo daadgureeyey sahyuuniyeestayaashii Yahuudda, ayey halkaas ka samaysteen ururro argagaxiso ah oo si qarsoodi ah ugu hawlgala gudaha Falastiin; waxaa ururradaas ka mid ahaa: Irgun, Haganah, iyo Lehi ( oo loo yaqaaney ‘Stern Gang’, oo micneheedu yahay ‘Burcaddii Qalafsanayd’) oo uu hogaamiye u ahaan jirey Yitzhak Shamir oo Sannadkii 1983kii Ra'iisul wasaare ka noqdey Yahuudda. Ururradaas ayaa, iyaga oo isu ekeysiinaya Carabta Falastiin, ku hadli jirey afka carabiga, sheeganna jirey in ay yihiin falastiiniyiin u dagaalamaysa xorriyaddooda, oo doonaya in ay Ingiriiska ka xorroobaan.
Ururradaas argagixisada ah lama dagaallami jirin askarta Ingiriiska balse waxa ay si ba’an xasuuqi jireen , oo argagax ku ridi jireen, shacabka reer Falastiin iyaga oo ku andacoonaya in Falastiiniyiinta ay gumaaddayaan yihiin gaalo-raacyo la jira gumaystaha ingiriiska - sida maanta Alsheydhaan [alshabaab] ay shacabka soomaaliyeed u gumaadaan iyagoo sheeganaya in ay soomaaliya ka xorreynayaan gaalo ku soo duushey iyo soomaali gaalo-raac ah. Shaqada runta ee ururradaas Yahuuddu waxay ahayd, si ay iyagu dhulka u qaataan in ay tirtiraan oo Falastiiniyiintu dhimasho ama nolol (dead or alive) dhulkooda uga baxaan - sida maanta shaqadda Alsheydhaan ay u tahay in soomaalidu dhimasho ama nolol dhulkooda uga baxaan.
Haddaba su’aasha milyanka Dolar joogta waxay tahay, Alsheydhaan yaa weeye?
Alsheydhaan waa urrur argagixiso ah oo shaqadiisu tahay inuu soomaalida dhulkeeda (soomaaliya) ka tirtiro; waa cadow aan soomaali ahayn, laakiin isku ekeysiinaya soomaali muslim ah, doonayana in ay dhulka soomaalida qaataan - waa cadow Soomaalida u eg, afka soomaalida ku hadla, muslimna iska dhigi, sidii ay Yahuuddu iskaga dhigi jirtey falastiiniyiin muslim ah, markii ay doonayeen in ay dhulka Falastiin qaataan.
Waxaa la yiri, Jeneraalkii maanta goob dagaal ku guuleeysta, berri waxa uu ku dagaallamaa khiyaamo-dagaaleedkii (kaartadii) uu shalay ku guuleystey, illaa lagu barto oo uu ku jabo. Khiyaamo-dagaaleedka soomaalida lagu gumaaddayo waa tii, kal hore, Jeneraalladii yahuuddu ku gumaadeen falastiin. Isku soo duuduub oo jawaabta su’aasha qaaliga ah waxay tahay: alsheydhaan waa Itoobiya (iyo Kenya) oo ay usha u hayso, oo hageyso, yahuud iyo saaxiibadeeda reer galbeedka - Itoobiya iyo yahuudna waxay isku yihiin waa la yaqaan.
Sidee cadowga [alsheydhaan] la isaga celin karaa?
Dadka soomaaliyeed waxay dugaaga alsheydhaan isaga dhicin karaan:
1) in ay aqoonsadaan cadowga gumaadaya cidda uu yahay - cadow aan la aqoon, loo jeedin, lama jabin karo.
2) midnimo in ay gartaan in cadowga ay isugu mid yihiin oo uusan kala soocayn.
3) in ay gartaan sunnada Alle : kuwii is caawiya ayaa Allah caawiyaa; in haddii aysan iyagu is badbaadin cid kala oo badbaadin karta (ama badbaadinaysa) aysan jirin, haddiise ay iyagu doonayaan in ay is badbaadiyaan, Allah iyo ummaddiisuba ay caawin doonaan.
4) in ay gartaan in qof kasta oo soomaali ah (qaangaar ah oo miyir-qabba) uu waajib qaran iyo mid diini ahba ka saaran yihiin badbaadadda dadkiisa, dalkiisa, iyo diintiisa, Allah hortiisana la waydiin doono; ayna waajib ku tahay in uu naf iyo maal u huro, uuna danta guud ka hormariyo tan gaarka u ah.
5) tan ugu dambeysa laakiin ugu muhiimsan waxay tahay in aysan soomaalidu dhulkooda ka bixin, intii horey uga baxdayna inta ay ku noqon karaan ay ku soo noqdaan, waayo ujeedada loo gumaadayo ayaa ah in ay dhulkooda ka cararaan. Ogow, sidii falastiiniyiinta ba ku dhacday, soomaalida mar aan loo ogolaan doonin inay dhulkoodii ku noqdaan ayaa dhici doonta. Waxaa la doonayaa dadka ma aha ee dalka weeye.
Maahmaah soomaaliyeed ayaa oranaysa: “Guul nin u holladey (isku dayey) ayaa hela”; taas macnaheedu yahay qof aan wax isku dayin waxba kuma guuleyto - qof aan wax isku dayin Allah iyo ummaddiisa midna ma caawiyo.
Waxaan [Soomaalida] maanta hadii aanu nahay guraneynaa mirihii (Qarax,Qaxooti, Abaar, Cudur iyo Gaajo.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.
Qalinkii: Ruug Cadaa Saxafadeed Abdulkadir Walayo

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS

Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga

1 comment

Unknown said...

Alle ha u naxariisto intii dhimatay inta dhawacana All ha caafiyo.