Shir Looga Hadlayay Sidii Loola Dagaalami Lahaa Fikirka Xagjirka Ah Oo Magaalada Muqdisho Lagu Qabtay Maanta.
Olad Ahmed Mohamed – (Mogadishu-Somali) Shirkaan
oo looga hadlayay ka hortaga fikirka xagjirka ah, ayaa waxaa maanta si
wadajir ah u shir guddoomiyay Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska
Xukuumada federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Cumar yariisoow iyo Safiirka
Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Danjire Andreas Von Uexkull.
waxaa ka qeyb galay shirkaasi
wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, qaar kamid ah Safiiradda wadamada
caalimka u jooga Soomaaliya , wakiilo caalami ah iyo xubno
matalayey maamul gobaleeyadda Dalka ka jira.
Wasiirka wasaaradda
warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka Soomaaliya, C/raxmaan
Cumar yariisoow, ayaa shirkaasi markii uu soo idlaaday kadib waxa uu saxaafadda
la wadaagay qodobadii kulanka lagu go’aamiyay.
“Shirkii muhiimka ahaa ee la
dagaalanka fikirka xagjirka ah, ayaa maanta qabsoomay oo aan uga hadleynay
siddii shirka 4 December uga dhacaya Muqdisho warbixin looga siin lahaa howlaha
ka qabsoomay, waxaa shirkaan lagu go’aamiyey istiraatiijiyadii oo dib u eegis
lagu sameeyey ee heerka Qaran oo la ansixiyey, sidoo kale qorshe howleedkii
lixda billood la qaban lahaa ee la diyaariyey ee la hordhigi lahaa shirka 4
December ayaa la diyaariyey, marka runtii shaqo wanaagsan ayey maanta aheyd,
waxaan aad ugu mahad celinayaa Hay’addaha Dowladda Soomaaliya, beesha caalamka
iyo dhammaan xubnihii dowlad goboleedyada ka socday, tanna waxay ku timid
dadaal muddo soo socday” sidaas waxaa yiri Wasiirka wasaaradda warfaafinta,
dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka Soomaaliya Eng Yariisoow.
Email:- Kadarshee@gmail.com