Xikmad Yar oo Ku Saabsan Dooqa Ragga iyo Dumarka. | Sii Akri......
Raggu waxa aay jecel yihiin in aay dumarka ka helaan
seddexdaan dabeecadood.
- Inan Dhowrsan misana Asturan.
- Inan Af gaaban waliba Xishood
badan.
- Inan leh Dhaqan wanaagsan iyo
Dabeecad daggan .
Dumarkuna waxa ay ka
siman yihiin ragga in ay ka helaan sedddexdaan dabeecadood.
- Nin Naxariis badan misana uga taxaddira sida inantisa
oo kale ( gabadha uu dhalay ).
- Nin Dulqaad badan oo hadii leeys qabto noqda kii u
sabra xaaskiisa.
- Nin Xushmad badan oo xaaskiisa u qadariya sida hooyadii
oo kale.
Hadaba Gabadhii nasiib
u yeelatay inuu Alle (SWT) ugu deeqay dabeecad iyo dhaqan wanaagsan waxaad
tahay gabar ( inan) uu nin kastaa ku fakiro ( hamiyo) inuu helo,Sidaa awgeed
isku day in aad ilaashato oo aad ku dheganaato dhaqankaana iyo dabeecadahaaga
wanaagsan waayo adigaa ah qofka kaliya ay cid kasta baadi goobayso (
raadinayso) in ay xariir la samayso.
Sidoo kale Ragga uu
Alle (SW) ugu deeqa dhaqanka iyo dabeecadaha wanaagsan , waxaad ogaataan
dumarka waxa ay ku hamiyaan in ay helaan nin adigoo kale ah ee isku day in aad
xajisato dabeecadahaaga wanaagsan.
Waxaan Allah ( Sw)
waydiisanaynaa Ragg iyo Dumarba inuu siiyo dhaqan iyo dabeecad wanaagsan uuna u
fududeeyo guurka intiiba guurdoon ah, Aamin
Ka Faaidaysi Wacan |Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS