War Deg Deg:

Nin Shiinees Ah Oo Guursaday Gabar Qurux Badan Ilmona U Dhashay Balse Aan Ku Qancin Quruxda Ilmihiisa……

Like Saar
Jane Feng waa Nin Shiinees ah, wuxuu guursaday Gabar Quruxsan, waxayna u dhashay Saddex Caruur ah.
Mr. Jane kuma qancin Muuqaalka Caruurtiisa Maadaama aysan u quruxsaneyn sidiisa iyo sida Hooyadood, taas oo keentay inuu ka shakiyo inuu Aabo u yahay.
Si uu u hubiyo inuu isagu dhalay ayuu Cusbitaal geeyay waxana la baaray Tixda Hidda-Sidaha Caruurtiisa (DNA), waxaana loo caddeeyay inuu isagu dhalay dabeedna Cusbitaalka ayaa waxuu kasoo tegay isagoo laqi weysan jawaabta lasoo siiyay.
Markuu Guriga yimid ayay xaaskiisu u sheegtay in ay Yaraanteedii aad u Foolxumeed sida Caruurteeda laakiin ay isku sameysay Qaliin Isqurxin ah (Plastic Surgery) ayna ku bixisay lacag dhan Todobaatan Kun oo Dollar iyadoo arinkaas ka qarisay maadaama ay aaminsaned inuusan ogaan doonin ninkeedu.
Mr Jane Feng markuu arinkaas ogaaday ayuu go'aansaday inuu iska Furo xaaskiisa si aysan Caruur kale ugu sii dhalin, Furiin kaliya ugama harine wuxuu ka dacweeyay Maxkamad isagoo ku eedeeyay in ay Khiyaantay waxaana lagu ganaaxay Boqol iyo Labaatan kun oo Dollar oo Mag-dhaw ah in ay u celiso Miskiinka ay sirtay ee Mr Jane Feng.
Gabdhaheenna is caddeeyay, tolow maxay dhali doonaan?!
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Hussain Sabrie
Share – Sii Faafi
Ka Faaidaysi Wacan |Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS

No comments