BOQORADII LAGAGA DAYDAY TAASH DUMARKU XIDHAAN WAQTIGA AROOSKA.
Markii ugu horeysay Taariikhda Taashka Cad ee Maanta inta
ugu badan aroosyada dumarka caalamka ku nool ay usoo xirtaan waxaa Arooskeedii
usoo xiratay Queen Victoria markuu Guursanayay Boqorkii Ingiriiska
Prince Albert Bishii Feberaayo 10-kedii, Sannadkii 1840-kii, sababtuna waxay
aheyd Caddaanka oo ahaa Midab ay xiiseeyso.
Wixii
Waagaas ka dambeeyay Indhaha Gabdhaha Caalamka ayaa qabtay Labiska Queen
Victoria, ilaa maantana Gabar kasta waxay ku adkeysataa in Arooskeeda loo xiro
Sansayeerigaas ama maro kaneecada u eg ee Cadaanka ah iyadoon is-weydiin halka
uu ka yimid asalkiisu.
Dalalka
Hindiya, Shiinaha iyo Vietnam way qaateen fikradda Taashka, waxaysa Midabkiisa
ka dhigeen Gaduud ama Casaan, Maadaama Gaduudku Dhaqankooda Sumad ugu yahay
Farxad iyo Yididiilo fiican.
Soomaaliya
iyo Carabta oo ah dad il-Baxnimo ahaan isu dhow, waxba kama bedelin Farsamadii
Victoria ee waxay u qaateen sideedii.
Ingiriiska
oo ay kasoo jeeddo Queen Victoria, Diin iyo Dhaqanba ma Wadaagno ee toloow
maxaa diiday in Gabdhaheenu Labiska Guurka uga daydaan Saxaabadii aan kasoo
gaarnay Diinta iyo Ayeeyo-Yaashii Dhaqanka, oo ay soo xirtaan Xijaabka Sharciga
ah, Dharka Asturan ee Hiddaha iyo Dhaqanka ama Nooc Sheeno ah oo ay iyadu
Masxakdeeda kasoo Hindistay aannana ka hor imaaneyn Diinteeda iyo Dhaqankeeda?
Sida
aan isleeyahay Damiirka Nin Rag ahi ma aqbali karo in Sansayeerigaas Shabaqa ah
loo xiro Xaaskiisa oo ay Indhaha dadku wada qabtaan maadaama aysan aheyn
Badeeco la Suuq-Geynayo oo ay tahay Boqorad loo Gelbinayo Qasrigeeda, ee tolow
ma jiraa Taash Asturan? hadduu jirana ma arkee maxaa dhacay?
Qalinkii: Hussain Sabrie
Ka Faaidaysi Wacan | Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS