War Deg Deg:

NINKII DOOLIGA JAWAANKA KU SITAY ( SHEEKO LAGU MITAALI KARO XAALADA SOOMAALIDA AY KU JIRTO )

Like Saar
Beri ayaa waxaa dhacday in gaari ama baabuur ay isla soo raaceen nin oday ah oo beeraleey ah iyo nin kale oo aqoonyahan ah oo soomaali ah, ninka beeraleeyda ahi waxa uu wataa jawaan afka ka xiran oo u yaala lugihiisa hoostooda, ninka beeralayda ahi wuxuu ruxayaa oo isku qassayaa waxa jawaanka ku jira shan iyo tobankii daqiiqaba labo ama saddex jeer ka dibna booskii uu u yaalay ayuu ku celinayaa.
Ninkii aqoonyahanka ahaa ayaa la yaabay waxa uu samaynayo ninkan beeralayda ahi waxa uuna waydiiyey waxa jawaanka ugu jiro?
Ninkii beeralayda ahaa wuxuu ugu jawaabay sidan:
Jawaanka waxa iigu jiro jiirar (doolliyaal) waxaana aan u wadaa xarun cilmi baaris lagu sameeyo oo waa ay iga gataan ama iga iibsadaan.
Aqoonyahankii ayaa waydiiyay mar labaad su'aasha ah maxaad markaad wax yar joogtaba u ruxaysaa jawaanka? Wuxuu ugu jawaabay odaygii haddii aanan ruxin oo aanan isku dhex qasin waxay dareemayaan xassilooni iyo degenaan ka dibna waxay ku mashquulayaan in ay jawaanka duldulooliyaan si ay uga fakadaan ama uga baxaan laakiin haddaan ruxo waxay dareemayaan qal-qal iyo meesha inaan xassilooniyi ka jirin oo waa is nabayaan iyaga ayaana isku mashquulaya kamana baxayaan jawaanka.
DULUCDA SHEEKADA:
Hadaad si fiican ugu fiirsato waxaad ka dheehan kartaa oo aad si weyn uga fahmaysaa sida dalkeenna Soomaaliya iyo dadkeenaba markii ay degenaan yar dareemaan (loo ruxayo jawaankii afka ka xirnaa ee aynu ku jirnay) laysugu kaaya dirayo oo laysugu keen mashquulinayo si aynaan uga bixin dhibaatada oo aynaan marnaba xassilooni u helin.
SOOMAALIYEEY WAX FAHMA CADAWGEENA WAA NAGU MAQAN YAHAY INAGUNA ANAGOO WALAALO AH AYAAN ISKU MAQAN NAHAY.
AAN U MIDOWNO DANTA GUUD EE QARANKEENA DIIN AHAAN,DAD AHAAN IYO DALBA AHAANBA TAAS AYAAN KU GUULEYSAN KARNAA.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.


Share - Sii faafi
Ka Faaidaysi Wacan | Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS

No comments