Culimada Soomaaliyed Oo Fariin U Diray Dowladda Iyo Siyaasiyiinta Mucaarad-ka.
Shirjaraa’id
oo maanta Magaalada Muqdisho ay ku qabteen masuuliyiinta Hay’adda Culimadda Soomaaliyed
ayaa waxa aay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku jiro.
Hay’adda
Culimada Soomaaliyeed bayaan aay saxaafadda u aqriyeen ayaa fariimo kala duwan
ugu direen dowladda Federalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta mucaarad-ka ah ee
Magaalada Muqdisho ku sugan.
Culimadda
ayaa sheegeen In Siyaasiyiinta mucaarad-ka ah looga baahan yahay mucaaradnimadooda
in aay noqoto mid wax dhista, balse aaysan noqon mid wax dumineeysa oo dalka
sii galinaysa xaalad adag.
Sidoo kale
waxeey fariin u direen dowladda Federalka Somaliya oo aay ka dalbadeen in aay tixgeliso
xuquuqda muwaadinka Soomaaliyed uu leeyahay.
Culimada
Soomaaliyeed Ayaa Sheegay In Loo Baahan Yahay In lawada tashado.
Culimadda ayaa
ka digeen in laga fogaado isticmaal-ka adeegsiga awoodda aan sharciga aheeyn,
taasoo ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fitno aan la xakameeyn karin.
waxeeyna Siyaasiyiinta u soo jeediyeen in
dalka aay ka ilaaliyaan faragelinta shisheeye, aayna dhoowraana madaxbanaanida
dalka.
Ugu
dambeyn Culimadda Soomaaliyed ayaa waxeey ku dardaarmeen dhamaan shacab-ka Soomaaliyeed
in aay ilaashadaan diintooda, dowladdooda iyo walaaltinimadooda, kana
digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajir-kooda, keeni kara tafaraaruq iyo
khilaaf.
Ka Faaidaysi Wacan | Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS