Gudomiye Mahad Cawad "Farmaajo Waxa Uu Gabay Xilkii Saarnaa Wuuna Ogyahay Ciidamada Qabsaday Xarunta Shacab-ka".
Gudoomiye Ku Xigeen-Ka 2-Aad Ee Baarlamaan-Ka Soomaaliya Mahad Cawad ”Farmaajo Waxa Uu Gabay Xilkii Saarnaa Oo Loo Wakiishay, Wax Walba Oo Ka Socda Xarunta Baarlamaan-Ka Wuu Ogyahay Iyo Ciidamada Qabsaday Xarunta Golaha Shacab-Ka".
Gudoomiye Ku Xigeen-Ka Labaad (2-Aad) War Qoraal Ah Oo Uu Caawa Soo Saaray Waxa Uu Kaga Hadlay Xaalada Amni Ee Xarunta Golaha Shacabka,Waxa Uuna Masuuliyadda Ciidamada La Geeyay Xarunta Golaha Shacab-Ka Ku Eedeeyey In Aay Xukuumadda Masuul Ka Tahay Madaxweyne Farmaajana La Ogyahay.
Iyada Oo Maalin Nimada Birito Ah Lagu Balansan Yahay Xarunta Golaha Shacab-Ka Ayaa Gudoomiye Cawad Waxa Uu Soo Saaray War Qoraal Ah Oo Ka Kooban 7-Qodob, Asiga Oo Kaga Hadlay Amniga Xarunta Golaha Shacab-Ka.
Guoomiyaha Ayaa Sheegay In Ciidamada Jooga Xarunta Golaha Shacab-Ka Aay Si Toos Ah Uga Amar Qaataan Xukuumadda Soomaaliya,Isla Markaana Si Sharci Darro Ah Aay Kula Wareegeen Xarunta Golaha Shacabka,Iyaga Oo Kala Wareegay Ciidamadii Xaqa U Lahaa Sugida Amniga Xildhibaanada Iyo Xasaanadooda.
Sidoo Kale Gudoomiyaha Ayaa Sheegay In Maanta Xafiiska Golaha Shacabka Uu Yimid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Isaga Oo Wata Warqad Cadeeyn Ah Oo Lagu Farayay Taliyaayasha Ciidamada Booliska, Nabadsugida Iyo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xarunta Golaha In Aay Ka Amar Qaataan Gudoomiye Ku Xigeenka 1-Aad Ee Golaha Cabduweli Ibraahim Muudeey,Arintaasina Uu Ka Warqabo Madaxweyne Farmaajo.
Dudoomiye Cawad Ayaa Waxa Uu Ku Eedeeyay Madaxweyne Faramajo In Uu Gabay Masuuliyadii Ka Saarneeyd Ilaalinta Mabaadiida Aas-Aasiga Ee Dastuurika Iyo Shuruucda Dalka U Dagsan.
Hoos Ka Akhriso War Qoraal Uu Caawa Soo Saaray Gudoomiye Ku Xigeenka 2-Aad Ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.
WQ:- Olad Ahmed Mohamed (Kadarshe)