War Deg Deg:

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Dalka Qadar (Wax Ka Ogow Safarka Farmaajo)

Like Saar
 
Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyo Wafdi Ballaaran Uu Hogaaminayo Ayaa La Filayaa In Aay U Ambabaxaan Dalka Qadar, Xilli Aay Xiisado Siyaasadeed Aay Kala Dhexeeyso Wadamada Khaliijka.

Wafuuddaani Uu Madaxweyne Farmaajo Hogaaminaayo Ayaa Waxaa Ku Wehliya Lix Wasiiro, Xildhibaano Iyo Ganacsato Badan, Kuwaasi Oo La Filaayo In Aay U Ambabaxaan Dalka Qadar Bishaan Dhexdeeda.

Bixitaanka Madaxweeynaha DFS  Ee Qadar Ayaa Waxa Aay Kusoo Beegmeeysaa Xilli Xiriirka Dowladda Soomaaliya Iyo Imaaraad-Ka Uu Gaaray Meel Xun, Taasi Oo Aay Sababtay Hishiis-Kii Shirkadda DP World Aay La Gashay Maamulka Somaliland.

Maalmihii Ugu Dambeeyay Dowladda Imaaraad-Ka Ayaa Maal Gelineeysay Mucaaradka Ku Kacsan Dowladda Federaalka Ee Soomaaliya Ee Kasoo Hor Jeedo Siyyaasadda Dowladda Haatan Jirta.

Dhanka Kale Dowladda Qadar Ayaa Dhawaaan Hishiisyo Mashaariicyo Horumarineed  La Gashay Dowladda Federaalka Ee Soomaaliya,  Mashaariicda Hormarineed Ayaa Waxeey Gaarayaan $200 Oo Milyan Oo Dolar, Waxaana Kamida Dhismaha Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Jowhar, Iyo Muqdisho Iyo Afgooye.

Safarka Madaxweynaha Ayaa Noqonaaya Markii Labaad Ee Uu Tago Dalka Qadar Tan Iyo Sanadkii Tagay, Iyadaoo Booqashadii Tan Ka Horeeysay Aay Aheeyd May/2017, Kadib Markii Uu Martiqaad Ka Helay Amiirka Dalkaas Sheikh Tammin Bin Hamad Al Thani.

No comments