War Deg Deg:

Xaq Dhoowr Oo Jeclaaw Dumar-ka. |KADARSHE|2018.

Like Saar
Dumarka waxaa laga abuuray feerta ninka, lagama abuurin madaxiisa si ay uga sarayso, lagamana abuurin cagtiisa si uu ugu istaago, Waxaa laga sameeyay dhinaciisa si ay ugu dhowaato, gacantiisa hoosteeda si uu u xafido, wadnihiisa agtiisa si uu u jeclaado!!
Haddaba, Ina Ragow
Jeclow… Goortii ay kabato Shaahaaga. Waxay rabtaa keliya inay hubiso inuu si fiican kuugu dhadhamayo.
Jeclow… Goortii ay kugu dhiirigeliso inaad tukato. Waxay rabtaa inaad Jannada ku kulantaan
Jeclow… Goortii ay ku weydiiso inaad caruurta la ciyaarto. Waxay rabtaa inaad Aabenimo dareento
Jeclow… Goortii ay maseyrsan tahay. Waxa Rag dunida jooga adey kaala soo baxday
Jeclow… Goortii ay ku weydiiso inay buuran tahay. Fikradaada ayaa muhiim u ah, u sheeg inay qurxoon tahay.
Jeclow… Goortii cunto karinteeda ay liidato. Aad bay dedaal & isku day u sameynaysaa
Jeclow… Goortii ay saacado ku qaadato inay is diyaariso. Waxay rabtaa inay kuula muuqato teeda ugu wanaagsan
Jeclow… Goortii ay iska ilmayso sabab la’aan. Ha weydiin, u sheeg in wax kasta hagaagayaan
Jeclow… Goortii wax kasta aad sameyso aysan farxad gelin. Way dhacdaa, waana laga gudbayaa
Jeclow… Goortii ay kuu sheegto sida gaariga loo kaxeeyo. Waxay kula rabtaa keliya badbaado
Jeclow… Goortii ay kula doodo. Waxay rabtaa in xaaladu idiin hagaagsanaato labadiinaba
Jeclow… Goortii dabeecadeeda is yara bedesho. In ka badan baa leedahay. Xikmad & deganaan ayaad ku bedeli kartaa
Jeclow… Goortii ay kuu soo iibiso macawis aadan jeclaysan. U dhoolacadee una sheeg in ay tahay wixi aad weligaa rabtay
Dhamaan kuwani waxay qeyb ka yihiin dabeecadaha dumarka. Haweenku waa qeyb ka mid ah noloshaada. Xushmee, Xanaanee oo Xaqdhawr.
Share ama ku mention-garee qof aad u baahan tahay inuu ka faa’iideysto

No comments