War Deg Deg:

Akhriso Muran Ka Dhashay Guur Nin Muslim Iyo Gabar Hinduu Ah Oo Go'aan Laga Gaaray!!!

Like Saar

Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809

Maxkamadda ugu Sarreysa dalka Hindiya ayaa xukuntay in haweenay Hinduu ah oo xuddun u ahayd muran ka dhashay guurka dadka kala diimaha ahi ay xaq u leedahay in ay ninkeeda la noolaato.
Hadiya Jahan, oo ay da'deedu tahay 20 jir ayaa waxay ka soo jeedaa qoys Hindu ah, balse waxa ay qaadatay diinta Islaamka, islamarkaana waxa ay guursatay nin Muslim ah.
Qoyskeeda ayaa waxa ay ku doodeen in gabadhooda la duufsaday taasi oo ay sheegeen in ay qayb ka tahay shirqool ka dhan ah diinta Hinduuda.
Arrintani ayaa waxay sababtay in maxkamad hoose oo ku taalla dalka Hindiya ay waxba kama jiraan ka soo qaado guurka lamaanahani.
Maxkamadda ugu sareysa dalka Hindiya ayaa hadda laashay guddoonkaasi , waxa ayna dib u soo celisay guurkooda.
Guurka u dhaxeeya Muslimiinta iyo Hindu-ga ayaa waxa muddo dheerba cambaareeynayay qoyasaska dhaqan ku dhagan ee dalka Hindiya.
Qaar ka mid ah kooxaha Hindu-ga ee asal raaca ah ayaa waxay ku tilmaameen guurka dhexmara dadka haysta diimaha kala duwan "Jeceyl Jihaadi ah " - oo ay u isticmaalaan ragga Muslimiinta ah ee ka qaybgala mu'aamarada in haweenka Hinduuga ah la badalo diintooda iyada oo la shukaansanayo".
Hadiya Jahan, oo magaceedii hore uu ahaa Akhila Asokan, ayaa mar waliba ku adkaysanaysay in tallaabada ay qaaday ay ahayd mid iyada oo xor ah ay ku dhaqaaqday.
Ms Jahan iyo seygeeda ayaa racfaan ka qaatay gudoonkii ay riday maxkamad ku taalla gobolka Kerala oo guurkooda waxba kama jiraan ku tilmaamtay.
Waxaa looga yeeray maxkamada ugu sareysa ee dalkaasi si ay ubixiso marqaati ku aadan in lagu qasbay in ay diinta Islaamka qaadato iyo in kale.
Ms Jahan ayaa u sheegtay gola garsoorayaal ah oo ka kooban saddex uuna hogaaminayay madaxa cadaaladda Dipak Misra, in ay doonayso xorriyad iyo in ay aragto seygeeda oo ay sheegtay in dhaqaala ahaan uu taageerayo.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in waalidiinteeda ay "si sharci daro ah ay guriga ugu hayeen "
Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809

No comments