Jooji eedaynta iyo Faro ku taaga Dadka
Garoon weyn anigoo ciyaar ka
daawanaya maalin ayaa waxaa i dhinac fadhiyay Nin dhalinyaro ah, wuxuu taageere
u ahaa Laacib No. 10 xiran. Mar kasta oo Kubad lugtiisa soo gashay uu Gool ku
dhalin waayo wuxuu eeda saaraa ciyaaryahanki u soo tuuray isagoo leh baaska
ayuu ka gaabiyay ama dhaafsiiyay. Hadii Kubad laga qaato wuxuu eedeeyaa
ciyaaryahaniinta ka soo horjeeda isagoo leh si gaar ah ayay u beegsanayaan. Mar
uu offside galay wuxuu eed dusha kaga tuuraa Albiitaraha. Mar uu Gool ku laad
dhalin waayay, wuxuu eed kulul u soo jeediyay taageerayaasha in aysan
dhiirigelin oo si fiican ugu sacab tumin!
Qalad
kasta uu sameeyo laacibkaa uu taageersan yahay ma uu rabo in uu qirto. Wuxuu
rabaa in uu eeda cid kale saaro. Mar kasta wuxuu u sameynayaa cudurdaar!
Dad badan waa sidaa. Waxay jecelyihiin in ay cid kale ku eedeeyaan
xaaladahooda, guuldaradooda, fashilka soo gaara, qaladka ay sameeyeen. Waxay ka
cararaan in ay mas’uuliyada qaataan. Waxay wax kasta u yeelaan cudurdaar.
Gabar ayaa Nin xiriir kala dhaxeeyay xumeeyay, waxay eeda saartay Rag oo dhan! Iyadoo leh nin la aamino ma leh. Nin ayaa Gabar xumaysay wuxuu eeda saaray Dumar oo dhan. Isma aysan oran inta aadan eeda saarin cid kale, maxaad qalad ama dambi ah oo aad adigu sameysay? Ileen wax kasta sabab ayay ku dhacaan Dunidan.
Gabar ayaa Nin xiriir kala dhaxeeyay xumeeyay, waxay eeda saartay Rag oo dhan! Iyadoo leh nin la aamino ma leh. Nin ayaa Gabar xumaysay wuxuu eeda saaray Dumar oo dhan. Isma aysan oran inta aadan eeda saarin cid kale, maxaad qalad ama dambi ah oo aad adigu sameysay? Ileen wax kasta sabab ayay ku dhacaan Dunidan.
Nolosha ma jirto cid ama qof aad ku
eedayn karto dhibka aad ku jirto. Waa adiga qofka gacantaada ku kasbaday. Waa
adiga qofka sameeyay doorasho qalad ah. Waa adiga qofka qaatay go’aan xun. Waa
adiga qofka runta ka cararay, waa adiga qofka mas’uuliyadiisa aan gudan. Sidoo
kale, Waa adiga qofka iska joojin kara cabashada iyo eeda. Waa adiga qofka
isbedelka sameyn kara.
Haddaba, Jooji in aad ku eedayso
dadka kale xaalada aad ku sugan tahay. Aqbal mas’uuliyada ficiladaada. Qaado
lahaanshaha natiijada ka dhalatay qaladkaaga.
Qofna kuma lihid qasab in uu wax
kuugu sameeyo ama sidaa rabtay yeelo. Guushaada iyo Fashilkaagaba adiga ayaa ka
mas’uul ah. Jooji oohinta iyo eedaynta. Jooji sugida in wax kasta u dhacaan ama
noqdaan sidaa jeceshahay. Ma jiro wax bilaash lagu helo, Noloshu waa Imtixaan.
Wax badan oo dhaca ma aha awoodaada, waxna kama bedeli kartid sida Dabeysha,
kulayka, barafka, dabeecadaha iyo dhaqamada dadka. Aqbal xaaladaha qaarkood,
qaado mas’uuliyada naftaada. Jooji eeda badan. Bilow in aad ficil dhanka
wanaagsan iyo horumarka ah sameyso.
W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje
Post Comment