War Deg Deg:

Madaxweeynaha Maamul-ka Puntland (Gaas) Oo U Safray Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta

Like Saar

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Boosaaso,
Madaxweeynaha ayaa waxa uu ku Sii Jeeda Magaalada Abu Dabai Ee Xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.
Gaas Oo Saxaafadda La Hadlay Ayaa Sheegay Inuu Dalka Imaaradka Carabta  Uu u  Aadi Doono Adkeeynta Xiriirka Kala Dhaxeeya Maamul-kiisa, Iyo Sidii Loo Wanaajin Laha Wadashaqeeynta Ka Dhexeeysa.
Sidoo Kale Madaxweeynaha Puntland Ayaa Baaq U Diray Xukuumada Somaliland In Xoriyadiisa Dib Loogu Soo Celiyo Boqor Buurmadoow Oo Kamid Ah Isimada Dhaqanka, Kaas Oo Dhawaan Puntland Yimid, Wuxuuna Ka Codsaday Somaliland In La Kala Saaro Dhaqanka Iyo Siyaasadda.
Safarkaan Madaxweynaha Maamul-ka Puntland Ayaa Kusoo Beegmaya Xilli Xiisadda  Weeyn U Dhaxeysa Dowladda Soomaaliya Iyo Dowladda Imaaraadka Carabta,
Islamarkaana Dowladda Imaaraad-ka Aay Joojisay Tababaradii Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Iyo Guud Ahaan Shaqadii Aay Ka Haayn Jirtay Soomaaliya.
Aragtidaada Ka Dhiibo.
Sidee U Aragtaa Safar-ka Madaxweyne Gaas Oo U Dhoofay Imaarad-ka Carabta???

No comments