War Deg Deg:

Akhriso: Magacyada Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Cusub Golaha Shacabka Ee Lagu Dhawaaqay.

Like Saar
Xildhibaanadda Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Magaaladda Muqdisho Ayaa Lagu Magacaabay 15-xubnood Oo Ah Gudiga Doorashada Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

15-xubnood Ee La Magacaabay Ayaa  Waxa Aay Ka Kala Yimideen 5-ta Beel Ee Awood Qeybsigeedu Ku Dhisan Yahay Dowladda Federaal-ka Soomaaliya, Waxaana Beel Waliba Xubnahaan Ugu Jira 3-xubnood.

Guddiga Lagu Dhawaaqay Ayaa Dhexdooda Waxa Ay Iska Soo Dooran Doonaan Guddoomiye Iyo Ku Xigeeno Si Howshooda Ay U Dhameystirtaan.
1.Xildhibaan. Axmed Cusmaan Ibraahim (Daqare)
2.Xildhibaan. Cabdifitaax Maxamed Cali
3.Xildhibaan. Cabdifitaax Qaasim Maxamuud
4.Xildhibaan. Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir)
5.Xildhibaanad. Canab Xasan Cilmi
6.Xildhibaanad. Deeqa Xasan Xuseen
7.Xildhibaan. Khaliif Cabdi Cumar
8.Xildhibaan. Maxamed Cabdikaafi Maxamed
9.Xildhibaan. Nuur Iidoow Beeyle
10.Xildhibaan. Saciid Maxamed Maxamuud Xayd
11.Xildhibaan. Xasan Cali Maxamed
12.Xildhibaan. Xiis Xasan Aadan
13.Xildhibaan. Yacquub Cali Maxamed
14.Xildhibaanad. Zahra Cabduqaadir Cabdiraxmaan
15.Xildhibaanad. Zaynab Maxamed Caamir
 

No comments