War Deg Deg:

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Ciidamada Imaarad-ka Carabta Iyo Shaldhigga.

Like Saar
Dowladda Soomaaliya Ayaa Maanta Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Ciidankii Milatariga Aay Tababareen Imaaraadka Carabta Iyo Saldhigooda.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood Oo Saakay Tagay Xarunta Tababarka Ee General Gordan Oo Ah Halka Uu Imaarad-ka Ku Tababari Jiray Ciidamada Soomaaliya Ayaa Sheegay In Dowlada Maanta Si Rasmi Ah Aay Ula Wareegtay Ciidan-ka Uu Tababaray Imaarad-ka Iyo Xaruntii Tababarka Lagu Siin Jiray.

Caanood Ayaa Sheegay In Xarunta Lagu Diyaariyay Qalabyo Kala Duwan Iyo Xarumo Caafimaad , Loona Dhameeystiray Wax Walba Aay Ciidamada Aay U Baahan Yihiin, Sidoo Kale Taliyaha Ayaa Sheegay In Xarunta Laga Bedelay Magaca, Loona Bixiyay Kuliyadda Tababar-ka Daljir Ee Ciidan-ka Xoga Dalka Soomaaliya.

Dowlada Imaaraadka Ayaa Shaacisay In Aay Gabi Ahaanba Joojisay Tababaradii Iyo Taageeradii Aay Siin Jirtay Ciidanka Milatariga Soomaaliya Gaar Ahaan Kuwa Aay Tababareen,

Ciidamadaan Ayaa Hada Si Toos Ah Uga Amar Qaadan Doonaan Taliska Milatariga Soomaaliya Oo Ah Halka Laga Hago Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.










No comments