War Deg Deg:

RW Kheeyre ”Guddoomiyihii Shaqadiisa Qabsan Waayo Waa in La Ceyriyaa”.|KADARSHE NEWS

Like Saar
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo xalay kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Laamaha amniga Gobolka ayaa sheegay in uu jiri doono Isla-xisaabtan joogto ah.
Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan kulan la qaatay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir,islamarkaana uu u cadeeyay in uusan ku qanacsaneyn Shaqadooda.
Sidoo kale Raisulwasaare Kheyre ayaa ka dalbaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng Yariisow in uu shaqada ka ceyriyo Gudoomiyihii shaqada gudan waayo.
“Runtii Guddoomiye yariisow waxaa laga rabaa in Shaqada uu ka ceyriyo guddoomiyihii Shaqaysan waayo iyo Askarigii qalad gala ama anaga ay noo soo sheegaan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre”

No comments