Xukuumadda Soomaaliya Oo Fulisay Mid Ka Mid Ah Qodobadii Uu Dalbaday Gudoomiyaha Golaha Shacab-ka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.
Ciidamadii Horay U Joogay Xarunta Golaha Shacab-ka Ee Magaalada Muqdisho Ee Qaabilsanaa Sugidda Baarlamaan-ka Ayaa Maanta Dib Loogu Soo Wareejiyay Sugidda Amniga Xaruntaasi.
Kadib Markii Qilaaf Xoogan Uu Soo Kala Dhex Galay Xukumadda Iyo Baarlamaan-ka Soomaaliya.
Ciidamadaani Ayaa Gaaraya 114 Askari Oo Boolis Ah, Iyagoo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Shaqadoodii Aheeyd Sugidda Xarunta Baarlamaan-ka Soomaaliya.
Sida Uu Horay U Sheegay Gudoomiye Jawaari Ayaa Waxaa Amniga Dhismaha Baarlaan-ka Kala Wareegay Ciidamo Aay Xukumadda Soomaaliya Soo Dirsatay.
Balse Xukumadda Soomaaliya Ayaa Wali Ka War Bixin Wax Faah-Faahin Ah Ciidamadaas.
Ilo wareedyo Aan Ka Helay Xarunta Baarlaan-ka Ayaa Sheegaya In Ciidamadii Horay U Joogay Xarunta Baarlamaan-ka Dib Loogu Soo Celiyayay, Iyagoo Haatan Haaya Masuuliyadda Amniga Golaha Shacab-ka.