War Deg Deg:

Gudomiyihii Hore Tabaid Abdi:- “Xamar Xuquuq La’aan iyo Xorriyad La’aan Ma Wada Qabato”.

Like Saar
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay wadooyinka xiran iyo dilalka loo geysto dhallinyarada gaadiidka Bajaajta.
Xaaladda shacabka Muqdisho waa sii adkaaneysa maalinba maalinka xiga.
Jidadka xiran waxaa ku biiray dilalka joogtada ah ee wiilasha dhallinyarada ah ee Bajaajtaku xamaasha.  Aad baan uga murugoonayaa aqbaarta nuucaas ah.
Bajaajleydu dhaqaale ayey magaalada u yihiin, waxay sahlaan isu-socodka bulshada, waxayna u badan yihiin dhallinyaro. Sidaa darteed waa inaan la dabar jarin jiilka Caasimadda.
Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dilalka lagu hayo Bajaajleyda wuu batay mana jirto sabab cad oo loo aaneyn karo iyo wax ay galabsadeen toona.
Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka baxeen dhallinyaradaas gardarada lagu dilay. Dowladda waxaan ka codsanaya in ay cadaalad helaan ehelada marxuumintaas iyo in talaabo adag laga qaado askarta dhaqankaas caadeysatay.
Waxaa fooda inagu soo heysa Ciidul-Fidrigii, weli Muqdisho waa kala xiran tahay, waxaana jira ganacsato badan oo aan weli suuq u helin agabkii ay u keeneen Ciida awgeed, sidoo kale waalidiin iyo caruur badan ayaan weli helin fursad ay ku tagaan goobaha ganacsiga jidadka xiran awgood.
Dowladdu waa iney fududeysa isu-socodka magaalada, waa in ay raadisaa xal fudud oo amniga lagu sugi karo, bulshada Muqdishana ay ku ganacsan karto kuna noolan karto bilaa caburin. Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato!
Thaabit Cabdi Maxamed

No comments