Gabaygaan Wax Tiriyay Yuusuf Cabdulle Muuse ''Haddii Dunida Lagu Waarayooy Daayin Noqoneyso''
Nin Gabyaa Ahaa Oo Ku Magic Dheeraa Ina Cabdulle Muuse Lana Oran Jiray Yuusuf Cabdulle Muuse Ayaa Gabaygaa Curiyey, Yuusuf Markii Uu Arkay In Uu Da’ Noqday Ayaa Waayo Aragnimadiisa Tustay In Uu Dadka Raad Kaga Tago Oo Uu La Dardaarmo, Wuxuuna Dadka Kala
Sii Dardaarmayey Wax Yaabo Nolosha Ku Haboon Ee Dunida La Xiriira Wuxuuna Yiri:
1. Haddii Dunida Lagu Waarayooy Daayin Noqoneyso
2. Waxaan Laga Dileen Nebiyadii Laysu Soo Diraye
3. Asxaabihii Baan
Degeen Dahirka Ahaaye
4. Faadumo Iyo Dirkeedii Ayaan Dumug Yidhaahdeene
5 Daahaa Ku Noolaan Lahaa Delegyadoodiiye
6. Anse Waxaan Daliishaday Inaan Laga Dambeyneyne
7. Dowliilka Uun Baan
Arkiyo Diray Arwaaxdiiye
8. Durdurkii Markaad Iyo Xajkaan Daalib Leeyahaye
9. Deeblahabkaan Geela Iyo Ariga Waa Dalaal Marane
1 Daaraha La Weegaarayaa Waa Aduun Dumaye
11. Udadaal Diintiyo Waqtiga Daacadna Ahaada
12. Cabdalaha Dushiisiyo Ayuu Deyro Kale
Sheegan
13. Darkii Odayadii Hore Xidheen Dalwgu Yuu Gonin
14. Doqon Xaajo Waa Kaa Dilaa Dibadaba U Tuura
15. Shiisheeyuhu Hadduu Idin Danqaro Dogob U Nooleeya
16. Raag Idaaya Kaama Tagee Dab
U Fagaareeya
17. Meeshii Daleelaa Musaka Bahalku Doontaaye
18. Duldhabaha Waxa Loo Saarayaa Yaan Dugaag
Marine
19. Is Dugsada Walaal Kala
Durkaa
Dagan Dharaartaase
20. Anna Dulka Aan Celinayiyo Daaddka Aan Moosi
21. Dal Shisheeye Waagan Tagee Idinka Duukeeyo
22. Amase Mowdu Igu Soo Dagee Dabaqa Laysaaro
23. Dadkiyo Aloolkaan Ahaa Dib
U Shalaantooda
Xigasho Buuga Gabayada Iyo Suugaanta
WQ: Olad Ahmed Mohamed (Kadarshe)