Akhriso:- Magacyadda Masuuliyiinta Lagu Dilay Qaraxyadda!!
Faah-faahino Dheeraad Ah Ayaa Laga Helayaa Qaraxyo Ismiidaamin Ahaa Oo Lagu Weeraray Xarumaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Xukuumadda Soomaliya Oo Ku Yaala Oo Ku Yaalla Isgoyska Sayidka Ee Magalada Muqdisho.
Qaraxa Koowaad Ayaa Lagu Dhuftay Jakboontiga Koowaad Ee Ciidamadda Hay’adda Nisa Ay Ku Leeyihiin Isgoyska Sayidka,waxaana Intaas Kadib Rag Hubeysnaa Oo Ka Tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab U Suurta Gashay In Ay Gudaha U Galaan Xarunta Wasaaradaha.
Ciidamadda Nisa Iyo Ragii Ka Tirsanaa Shabaab Ayaa Dagaal Waxa U Ku Dhexmaray Xarumaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Amniga,waxaana Sidoo Kale Halkaas Laga Maqlay Qarax Labaad Oo Geystay Khasaare Dhimasho.
Inta La Xaqiijiyay 13-ruux Oo Isugu Jirey Shacab,ciidan Iyo Masuuliyiin Ka Tirsanaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Ayaa Weerarkaas Ku Waxyeeloobay Sida Ay Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin K Tirsan Dowladda Soomaaliya.
Dadka Ku Dhintay Weerarka Waxaa Kamid Ahaa
Maxamed Axmed Ilkacase Oo Tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Marna Soo Noqday Xoghayaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh,
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, Sidoo Kale Liibaan Cusmaan Oo Ka Mid Ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaiyo Iyo Agaasimaha Waaxda Amniga Ee Wasaaradda Uu Ku Dhaawacmay Kaas Oo Lagu Magacaabo Siyaad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxa Ay Sheegtay In La Toogtay Raggii Weerarka Soo Qaaday Tiradooda Aheyd 3 Ruux.