Faah-Faahinta:-Qaraxyada Ka Dhacay Wasarada Arimaha Gudaha Muqdisho.
Qaraxyo Waaweeyn Iyo Rasaas Toos Ah Ayaa Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Amniga Ee Xukumadda Soomaaliya.
Labada Qarax Ayaa Ahaa Kuwo Loo Adeegsaday Gawaari Laga Soo Buuxiyay Waxyaalaha Qarxa, Iada Oo Lala Beegsaday Bar Koontrool Oo Aay Joogaan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Ah Ilaaladda Maxtooydda.
Qaraxa Koowaad Ayaa Ka Dhacay Afka Hore Ee Wasaaradda Halka Kadib Rag Hubeeysnaa Aay Gudaha U Galeen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Waxaana La Sheegayaa In Ragga Hubeeysnaa Ee Gudaha U Galay Aay Ka Koobnaayeen 3 Qof,Iyada Halkaasi Uu Dagaal Culus Ku Dhexmay Ilaalada Xarunta Wasaaradda Iyo Ragii Hubeeysnaa Ee Soo Galay Xarunta.
10 Daqiiqo Ka Dib Ayaa Sidoo Kale Waxaa Dhacay Qarax Labaad Ayaa Ka Dhacay Gudaha Wasaaradda, Kaas Oo Lamid Ahaa Qaraxii Koowaad, Waxa Uuna Gilgilay Degmooyin-ka Gobol-ka Banaadir.
Qaraxyadaan Is Xig Xigay Ayaa Geestay Qasaaro Isugu Jiro Dhimasho Iyo Dhaawac. Iyada Oo Aan Wareeysi La Sameeyay Dad Ka Ag Dhawaa Ayaa Waxa La Ii Xaqiijiyay In Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha In Uu Geeriyooday Halka Laba Kale Aay Dhaawacmeen, Kadib Markii Aay Iska Soo Tuureen Dabaqa Wasaarada Xilligaas Uu Qaraxa Labaad Dhacay, Waxa Aayna Kala Ahaa Gabar Iyo Wiil.
Sidoo Kale Gawaarida Gurmad-ka Deg-dega Ee Ambalaasta Ayaa Goobta Weerarka Uu Ka Dhacay Gaaray, Waxana Istaagtay Rasaas Goobta Laga Maqlayey Qaraxyada Kadib.
Urur-ka Al-shabaab Ayaa Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyadda Lagu Weeraray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Ee Xukumadda Federaal-ka Soomaaliya.