Madaxweyne Farmaajo oo Shir Deg-Dega Isugu Yeeray Madax Goboleedyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa shir isugu yeeray Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.
Shirkaan ayaa ka dhici doona Magaaladda muqdisho,waxaana inta uu socda looga hadli doonaa arimo khuseeya amaanka Qaranka iyo sidii guul looga gaari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Xubnodowladda Soomaaliya ka Tirsan ayaa sheegay in shirka uu Muqdisho ka dhici doono 19-ka bishan April, waxaana shirka uu socon doonaa dhowr maalmood.
Lama oga sida uu ku qabsoomi doono shirkaan,iyadoo dhowr jeer oo horey uu baaqay kulan madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxweynayaasha maamul Goboleedyadda dalka ka jira.
Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii ay u maamuli laheyd Maamul goboleedyadda dalka ka jira,waxayna dhawaan heshiiyo la gashay Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbland.
Sidoo kale waxay 2018-kii heshiis la gashay Maamulka hir-shabeelle, iyadoo meesha ka saartay Shariif Xasan Shiikh aadan oo Koonfur Galbeed Soomaaliya madaxweyne ka ahaa iyo C/wali Maxamed Cali (Gaas), oo Puntland hogaaminayay,islamarkaana muddo dowladda mucaaradayay.