DFS oo Sheegtay in La Qabtay Qarax Loo Diyaariyay Sidii Qaraxii Zoobe!!
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Amaanka ay gacanta ku dhigeen gaari Booyadd qarax lagu xiray kadib markii ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Sabiid oo ka tirsan shabellaha hoose.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Aadam Isaaq ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka, wuxuu ku sheegay in ciidamada dowladda ay qabteen gaari qarax ka buuxay.
Wuxuu sheegay gaarigaan oo ah Booyad qarax ay ka buuxiyen Shabaab inay ka carareen, kadib markii deegaanka ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka.
“Ciidanka Xooga dalka ayaa gacanta ku dhigay gaari booyad ah oo ay saarnaayeen Qaraxyo oo ay ka carareen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab kadib markii ay ciidanka xureeyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellada Hoose,argagixisada ayaa damacsaneyd inay fuliyaan mid ka mid ah Weeraradii ugu khasaaraha badnaa taarikhda, laakiin Ciidanka soo majeesta yaasha oo helay xogtooda ayaa udhaqaaqay dhankooda si ay ciida ula simaan.”, ayuu yiri wasiir Adam Isaaq.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab oo loogu hadlaayo sheegadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.