War Deg Deg:

BARIGA DHEXE | Ogoow 7 Wadan Oo Laqorsheeyay In La Burburiyo.

Like Saar

Senatorka maraykanka ee la yiraahdo Richard ayaa xog dheeri ah ka bixiyey Ujeedka Hawlagalada maraykanka ee Bariga dhexe iyo 7 Wadan oo La Qorsheeyey in La Burburiyo sida qorshayaashaas loo fuliyey iyo arimo kale .

Senator richard Black oo arimahaas wuxuu yiri sidan .

" Waxaan ahay Sen. Richard , waxaan Waan jeclahay dalkayga maraykanka . Waxaasnse ka xumahay Dambiyada aynu ka geysanayno Dunida.

Waxaa laynaku yiri oo la inoo sheegay inaan la dagaallameyno Argagixiso," laakiinse hadaynu maraykan nahay kuma jirno Dagaal argagixiso.

sababtoo ah Waxaynu si dhow isbahaysi ula leenahay argagaxisada, sida al -Qaacida, waxaynu kujirnaa dagaalo aan dhammaad lahayn oo aynu ku burburinayno ilbaxnimooyinka muslimiinta iyo carabta ee Bariga Dhexe oo dhan, Taasina waa Khalad weyn oo ay kuwa siyaasada jiheeyaan galayaan .

arintu maaha dagaal argagixiso ee waa dagaal lagu ciribtirayo ilbaxnimadii islaamka mase filayo inaan suuroobayso hadii wax la sameeyo oo xitaa dunidoo dhan aynu xulafaysano.

taasna waxaa cadayn inoogu filan Taariikhda inaan dib u raacno ,waxa hada aan samaynaynayo ,Keliya inaga ayaa dab isku sii shidayna .

In yar oo Mareykan ah ayaa xitaa magacaabi kara Dagaalada Dawladda gashay ,Serbia, Iraq, Libya, Syria, Yemen, Somalia, Ukraine. wadamadaas Midkoodna nama soo weerarin dhammaantood inagaa weerarnay.

Kaliya aan eegno arrinta Suuriya,Xusuusnow waxa ay Suuriya mar ahaan jirtay? Dagaalka ka hor Suuriya waxay lahayd dhaqaale aad u fiican oo dheellitiran,waxayna ku jirtay ganacsi kobcayey .

bal hadana qiimeeya xaalada suuriya tan iyo markii aan faraha la galnay oo aan ku duulnay ,Suuriya dhulka ayaa la dhigay waa la burburiyay dadkeedii kala bar caalamka ayay qaxooti ku yihiin waxyaabahan oo dhan oo hada dhacaya waxay ahayeen kuwo horay loo sii qorsheeyey maaha wax iska dhacay .

Xoghayihii Difaaca maraykanka wuxuu ku amray Pentagon -ka inay diyaariyaan qorshayaal lagu afgembinayo toddobo waddan oo ku yaal Bartamaha,Waxaana sheegayaa sida qorshayaashaas loo fuliyey, iyo Dambiyada dawladeenu ka gaysatay wadamadaas .

Weli waa socdaan Dagaalada la doonayo in lagu Ciribtiro Ilbaxnimadii islaamka ee Bariga Dhexe, Sidaas waxaa Yiri Senator Richard ahna Kornayl katirsanaa Ciidamada maraykanka.

No comments