War Deg Deg:

CAAFIMAADKA | Dhibaatada Siigeysashada Aay Leedahay

Like Saar

 Waa Maxay Siigeysi?


Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno "masturbation" waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka.
Caadadaan ma ahan mid diinta, dhaqanka iyo caafimaadkaba u roon, dhibaatooyin badan ayaaa laga dhaxlaa, dhalinyaro badan oo cadadaan joogteysay ayaa illaa hadda la rafaadsan dhibaatadii ka soo gaartay oo weli xal u heli la'.
Dadka ugu badan oo cadadaan sameeyo waa dhalinyarada waliba wiilasha xilliga qaangaarka ku jiro iyo sanadaha ku xiga.

Waa maxay dhibaatada caafimaad ee Siigeysashada?
Caadeysiga siigeysashada waxay keentaa dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah, waxaa ugu muhiimsan:

1- Daal iyo tabardarri joogto ah weliba khaas ahaan hadduu qofka joogteyso maadaama xilliga qofka uu samaynayo arrintaan uu jirkiisa oo dhan wda kacsan yahay oo dheecaanno iyo hormoonno badan la soo daayo kuwaaso ay ka mid tahay in murqaha jirka dhan ay giijismaa, qanjirrada sida kuwa dhididka oo wada shaqeeyo, korontada iyo dhambaallada maskaxda oo aad u sarreeyo. marka haddii xaaladdaan jirka uu la qabsado waxay saamaynaysaa habdhiska jirka noocyadiisa kala duwan.
2- Xanuun dhabarka qeybtiisa hoose ah, kaasoo saamayn kara murqaha, ricirrada lafdhabarta iyo carjawda u dhaxeyso intaba, tan mustaqbal ahaan waxaa dhici karto inay carqalad u keento galmada dabiiciga ah.
3- Timaha oo yaraadaan ama daataan, joogteynta caadeysiga siigada waxay khalal ama isbaddal ku samaysaa hormoonnada jirka, tan waxaa ka mid ah kuwa qaabilsan korrinta iyo kobcinta timaha, taasoo haddii ay yaraato ama la waayo ay timaha daciifi karaan ama si sahlan u daadan karaan.
4- Kacsi la'aan (Hawlgabka kacsiga ee dhalinta), hami yarida iyo kacsi la'aanta waa cillad ay keenaan waxyaabo badan, siigeysiga wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu horreeeyo oo arrintaan ay keento khaas ahaan markuu qofka la qabsado siigaysiga.
5- Biyo-bax degdeg ah, in qofka uu in muddo ah uusan celin karin biyahiisa xilliga galmada waxay noqon kartaa raad uu siigeysiga ku reebay waana dhibaato aad ugu badan dhalinyarada guursatay awalne caadadaan joogteyn jiray.
6- Aragga oo caad yeesho ama aragtida oo daciif noqoto waa xaalad lagu arko dhalinyarada ku duqowday siigaysashada oo muddada dheer soo samaysay, mana ahan caadkii indhaha fuuli jiray ee la yaqiinnay "cataract" ee waa nooc ka duwan.
7- Bisqinleyda iyo xiniinyaha oo xanuuna.
8- Xanuun iyo casiraad laga dareemo moqor miskeedka iyo dabaqanaanta.
9- Qofku wuu ku walfi karaa oo dhib ayay hadhowdii ku noqoneysaa in uu iska gooyo caadadaan, waxayna saameyn kartaa nolosha guurka iyo qoyska, hadduu qofka arrintaan iska jari kari waayo.
10- Wuxuu kaloo keenaa waxa loo yaqaano "Semen leakage" oo ah in biyuhu soo dareeraan iyadoo wax dareen kacsi ah uusan jirin ama iyadoo kacsi jirin in qofka uu biyo-baxo ama isagoo aan dareeminba.
11- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la'aanta, tanni waa mid ay dhakhaatiirta arrintaan la tacaalo ay ka sheegaan dadka caadaystay howshaan, waana arrin ay dhib badan tahay in caafimaad ahaan loo xalliyo haddii ay kaa soo gaartay siigeysiga.
 
Sidee loo joojin karaa Siigeysiga?
Waxaan kula talin lahaa dhalinyarada arrintaan samayso in ay diinta wax khilaafsan ay tahay, caafimaadka iyo mustaqbalkoodane saameyn weyn ku leh, sidaa awgeed haddii aad awooddo in aad guursato oo arrintaan si sharci ah oo caafimaadne ku heli doontid ay kuu suuragalayso waan kugu la taln lahaa, haddii aadan awooddaas aadan haynin, waxaan kugula talinayaa in aad raacdid taladii rasuulkeena nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee in uu dhalinyarada kula dardaarmay in ay soomaan haddii uu dareenkooda uu kacsan yahay, waana wax cilmi ahaan loo arkay in soonka uu hoos u dhigo hormoonnada la xiriira kacsiga.
Haddii aad caadadaan ku walaftay ama aad 'addict" ku tahay, waa in aad aragtd dhakhtar 'psychologist' si lagaaga gooyo caadadaas.
 
Haddii dhibaato ay iga soo gaartay Siigeysiga, Sidee ku xallin karaa?
Siigeysiga haddii la joojiyo waxuu jirka isku dayaa in uu dib isku habeeyo oo uu saxo wixii isbadala ama khalal ku dhacay xagga dheecaannada iyo hormoonnada kontroola jirka qeybihiisa kala duwan, way ku kala duwan yihiin qofka inta uu caafimaadkiisa ku soo ceshan karo, waxayne ku xiran tahay muddada aad caadadaan samayn jirtay.
Haddii ay dhibaatooyinkaan kugu daaheen oo ayna kaa go'antahay in caadadaan aad joojisid, fadlan la xiriir takhtar aad ku kalsoon tahay si uu talo kaa siiyo.
 
Talo Guud:
1- Fadlan jooji cadaadan.
2- Cunto isku-dheelli tiran cun, waxaad badsataa khudradda iyo fruits-ka, qeybihiisa kala duwan.
3- Sameey jimicsi joogto ah sida in aad rucleyso ama socod lugta ah aad gasho muddo nus saac ah.
4- Iska jooji caadooyinka kale ee xunxun oo arrintaan kuu horseedi karo sida daawashada filimaanta xunxun iyo isticmaalka maandooriyayaasha sida Qaatka iyo wixii la mid ah.
5- Haddii aad waalid tahay oo aad caruurtaada uga cabsi qabtid arrintaan waa in aad si waalidnimo iyo saaxiibtinnimo ku jirto aad kala sheekaysataa caruurtaada adigoo si dadban oo aan cannaan iyo ciqaab ku jirin uga wacyi galiya.

No comments