CAAFIMAADKA | Sida Loo Daaweeyo Findoobka Iyo Waxyaabaha Keena .
Waa maxay Findoob?
Finanka ugu badan ee wajiga ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa "Acne", Afka soomaaligane waxaa lagu dhahaa "Findoob" waa nabro yaryar oo ka soo baxa sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dufan maqaarka subkiya, qanjirradaas ayaa ka xirma afka kadibna way bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax. Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.
Meeqo
nuuc ayuu u kala baxaa Findoobku?
♦ Marka
ugu horeysa uu finka soo bixi rabo waxaa la dreemaa meel jirka aan la sinnayn
oo ka soo kacsan, waana astaanta ugu horayso ee la dareemo inta finka uusan soo
bixin, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Comedones", waxay arintaan
dhacdaa markii dulduleelada wajiga ee aadka u yaryar ay bilaabmaan in ay
xirmaan, waxaana jira waxyaabo badan oo xeri kara kuwaasoo hoos aan ku
faahfaahin doonno waxaana loo yaqaanaa "Comedogenic", sidaa darteed
waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad wajiga u isticmaali rabtid waa inay noqdaan
"non-comedogenic" taasoo macnaheeda ah "dulduleelada wajiga
aanan xirayn". shirkadaha qaarkood way ku soo qoraan waxyaabaha ay
sameeyaan oo maqaarka loo adeegsado.
♦ Waxaa
ku xiga oo dadka qaar isku arkaan fin afka hore ka furan, waxaana loo arkaa
sidii dhibco madmadaw oo kale oo wajiga ku firdhisan waxaana loo yaqaanaa
"Blackheads", markii aad loogu dhawaadane waa sida godad yaryar oo
aad moodid in la dulduleeliyay.
♦ Waxaa
kaloo jira finan afka ka daboolan oo kuusma, waxaana ku jira wax cad oo
jilicsan oo dadka qaar ay iska tuujin karaan, waxaana loo yaqaanaa
"whiteheads", tan wax dhib ah badanaa ma reebto markii la tuujiyo,
maalmo ka dib way baaba'daa, caadi ayuuna wajiga ku soo laabtaa, waxay badanaa
lagu arkaa sanka dhinacyadiisa iyo garka.
♦ Mararka
qaar meelihii dufanka ku xirmay ayaa caabuq yeesho, waxaana lagu fahmi karaa in
xanuun la dareemo markii la taabto, haddii la tuujiyane wuu ka sii daraa oo
barar iyo xanuun ayuu keenaa, finankuna si dhakhso ah ayay ku faafaan, wayna
gaduudataa meesha la tuujiyay, waxayna reebtaa haar ama madaw wajiga ku hara,
waana muhiim in aadan tuujin fin xanuun leh oo jirkaaga ka soo baxa, tani waa
khalad ay dad badani ku dhacaan, finka markuu sidaan noqdo waxaa loo yaqaanaa
"papules" ama "Pimples" lamana taabto.
♦ Haddii
aad tuujisid finkii hore wuxuu isku badalaa wax loo yaqaano
"Pustules", tanoo ah fin malax gashtay, weli waa muhiim in aadan
taataaban oo aadan ka dhiijin malaxdaas, haddii kale wajiga wuu kaa
hallaabayaa, waxaa jira daawooyin loo qaato markay xaaladdu halkaa gaarto waana
muhiim in aad dhakhtar maqaar la xiriirtaa, laakiin inta ka horayso siyaabo
dabiici ah ayaa loola tacaalaa sida aad ku arki doontaan qeybta hoose.
♦ Haddii
finka ay wax ka soo bixi waayaan oo uu sii bararo wuxuu isku badalaa xaalad loo
yaqaano "nodules" qofka wuxuu wajigiisa yeelanayaa kuus kuus tira
badan, waana qasab in aad dhakhtar la xiriirtid markay sidaan noqdaan.
♦ Waxaa
qofka la dhihi karaa wuxuu qabaa Findoob markii ugu yaraa 20 fin ay soo baxaan,
taasoo haddii si khalad ah loola tacaalo reebi karo haaro wajiga ku samaysma.
Maxaa
keeno Findoobka?
♦ Inkastoo
waxyaabaha toos u keeno finankaan aan la garanayn laakiin waxaa jira waxyaabo
dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:
♦ Daawooyinka
qaar, sidaa darteed waa isticmaalka daawooyinka aan laguu qorin khaasatan kuwa
korka la mariyo.
♦ Heerka
hormoonnada qofka (hormoonnada kacsan ee loo yaqaano "Androgens" ayaa
lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga
qaangaarka ama waqtiyada haweenka ay uurka leedahay, saas ayaana loogu magac
daray).
♦ Jeermiska
(waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb
qaadato samaysanka haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib) in
bakteeriyo ay ku dhalatay finka wajiga waxaa lagu fahmaa in finkii uu xanuun
yeeshay, midabkiisane uu isbadalay.
♦ Qanjirrada
dufanka wajiga oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka
subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto
sidaasne ay finan ku samaysmaan)
♦ Diiqada
(welwelka iyo fekerka) - Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa
findoobka.
♦ Hurdo
yarida ama hurdo xumida waxay ku jirtaa waxyaabaha ka qeyb qaato findoobka.
♦ Cabitaan
yarida: dadka badanaa aan cabin biyaha caadiga ah way ka finan badan yihiin
dadka aadka u cabo biyaha, waana arrin cilmibaaris lagu ogaaday sababtoo ah,
dadka jirkoodu uu leeyahay biyo ku filan badanaa ma xirmaan qanjirrada dufanka
ee jirka ku yaallo.
♦ Cunnooyinka
qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada,
caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.
♦ Allarjiga iyo xasaasiyadda: dadka qaarkiis wuxuu jirkood falcelin ka sameeyaa cunnada qaarkood ay isticmaalaan, waxayna tani keenaa finan wajiga ka soo baxo
Yuu
ku badan yahay Findoobka?
Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go'idda bulshada (tan oo u badan gabdhaha).
Sidee
looga hortagaa Findoobka?
♦ Nadaafadda
waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrada saliidda ee xirmay si
aysan finan cusub u samaysmin.
♦ Si
joogto ah wajigaaga biyo nadiif ah ugu dhaq, adigoo aadan isticmaalin saabuun
ama kiimiko kalaba.
♦ Finanka
ka daa gacmahaaga, hana tuutuujin, waxa ku jirane haka soo saarin.
♦ Ka
fogow cunnooyinka warshadaysan ama kuwa bacaysan
♦ Jooji isticmaalka sigaarka iyo daroogada kale.
Findoobka ma leeyahay daawo?
Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finankaaga noocooda iyo heerka ay marayaan sida aan ku soo faahfaahiyay qeybta kore. Waxaa kaloo jira xanuuno maqaar oo dhowr ah oo u eg Findoobka oo lagu daaweeyo daawooyin ka duwan.
Siyaabaha
dabiiciga ah ee loola tacalo "Findoobka"?
♦ Waxaa
jira waxyaabo badan oo dabiici ah oo lagula tacaalo markuu findoobka cusub
yahay, dadkuna way ku kala duwan yihiin siday ugu fiicnaadaan, sidaa darteed
waxaan halkaan ku xusi doonaa waxyaabaha waxtarkooda la xaqiijiyay, fadlan haddii
aad tahay dadka allerjiga qabo waxaa lagaa yaabaa in waxtarka daawo dhireedkaan
sidii la rabay inaad ku noqon wayso ee la xiriir dhakhtarkaaga.
♦ Khalka
Tufaaxa ee aan la sifayn "Unfiltred Apple Cider Vinegar": waxaa
badanaa lagu darsadaa cunanda sida saladka, wuxuuna wax ka taraa findoobka,
wuxuu qallajiyaa saliidda badan ee wajiga, wuxuuna furaa qanjirrada xidhan,
wuxuuna la dagaallamaa bakteeriyada wajiga ku dhalato, laakiin waa in aad xad
yar ka isticmaashaa markaad wajiga ku dhaqanaysid, kadibne biyo ka
dambaysiisaa. waxaa laga helaa dukaamada qaarkood isagoo diyaar ah.
♦ Malab
iyo qorfe la isku shiiday: sida aan horay uga soo hadalnay labadaan daawo waxay
aad ula dagaallamaan caabuqa noocyadiisa kala duwan khaasatan kuwa maqaarka ku
dhaca. 2 qaaddo oo malab ah iyo 1 qaaddo oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa
markay xanjo camal noqdaan ayaad ku dhajinaysaa meelaha nabraha ay kaaga
yaallaan muddo 10 daqiiqo ah, kadibne waad ka dhaqaysaa. Ogow waa in malabku uu
yahay mid dabiici oo saafi ah.
♦ Babayga:
sidaan horay uga hadalnay geedka babayga, waxaa ku jira maaddo loo yaqaano
"papain" taasoo ka hortag u ah caabuqa iyo samaysanka malaxda
khaasatan markuusan aad u bislaan. markaad qolofta iyo maraha ka saartid,
babayga waad shiidaysaa adigoo biyo ku darain, markuu cajiin oo kale noqdo
ayaad marsanaysaa wajiga, 15 daqiiqo ka dib waxaad uga dhaqaysaa biyo qandac
ah.
♦ Qolofta
oranjada ayaa la shiidayaa markay budo noqoto ayaad ku daraysaa biyo yar si ay
u noqoto waxa wajiga lagu dhajin karo, waxay kaa caawin doontaa in unuygada
dhintay ee maqaarka ay kaa nadiifiso, qanjirrada xidhanne inay furto, 20
daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
♦ Geedka
dacarta: sidaan horay uga soo hadalnay faa'idooyinka geedkaan waxaa ka mid ah
in maqaarka uu daawo uga yahay cudurro badan, wuxuu yareeyaa bararka, finanka
iyo caabuqa ku dhasho wajiga. dhareerka geedka ayaa la marsadaa wajiga,
waxaadna isticmaashaa nooca caleemaha balballaaran ee qodxaha leh, markaad kala
dhambashid caleenta waxaad ugu dhax tagi doontaa wax sidii maro cad oo khafiif
ah, oo dhareer badan leh, taasi ku tirtiro wajiga, muddo 30 daqiiqo ka dibne ka
dhaq wajigaaga dhareerka qallalay.
♦ Qolofta
mooska: Mooska waxaa ku jira maaddo loo yaqaano "Lutein" sidaan horay
uga soo hadalnay wuxuu jirka ka saaraa sunta, wuxuuna ka hortag u yahay hurka
iyo balbalka maqaarka ku dhasho, qolofta dhinaceeda gudaha ee jilicsan ayaad
wajiga ku tirtiranaysaa, kadibne 30 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
♦ Qiiqa:
biyo kulul oo liin lagu daray markii wajiga aad ku uumisid ama qiiqa uu kugu
baxo waxay si dagdag ah ku furaan qanjirrada xidhan ee dufanka leh, isku dabool
muddo 10 daqiqo ah biyo kulul oo liin lagu dhiijiyay, maalintiiba hal mar samee
sidaan muddo usbuuc ah.
♦ Cunista
toonta: fadlan wajigaaga toon ha u dhawaynin, laakiin cunnada ku darso tan
waxay difaac kaa siin doontaa ka hortagga caabuqyo tira badan oo aan horay u
faahfaahinay, fadlan dib u booqo qoraalkii toonta aan kaga hadalnay.
Iska
ilaali in aad marsatid kareem ama daawo dhakhtar uusan kuu qorin, waxaa dhici
karto in ay wajiga kaa foolxumayso ama kugu reebto haaro aan kaa fuqi doonin
ama dhaawac maqaarka in aad is gaarsiisid. Fadlan la xiriir dhakhtar haddii
finanka wajigaaga ay ka sii darayaan ama is badalayaan.