Ma Rabtaa In Aad Noqoto Qof La Jecel Yahay?
Hamoodin Qofku Inuu Soo Dhasho Isagoo La Tixgaliyo Ama La Jeclyahay. Laakiin Waa Wax La Kasbado Lana Gaadho Marka La Maro Dadaal Iyo Daal Badan.
Ma Rabtaa Inaad Noqoto Qof La Tixgaliyo Oo La
Jecelyahay, Hadaba Isku Tarbiyee Sifooyinkan 20ka Ah:
1. Badi Dhoola
Cadaynta, Waji Furnaanta Muusoodka
2. Si Run
Iyo Daacadnimo Ku Jirto U Amaan Qofkii U Qalma Adigoo Ka Madhan Laba
Wajiilanimada, Soo Jiidasho Iyo Nifaaqba.
3. Ka Fogow
Muranka Iyo Dood Badanba Waayo Waa Bilowga Canaadka, Colaada Iyo Kala Go’idda E.
4. Ula Dhaqan
Dadka Oo Dhan Sida Aad Jeceshahay In Laguula Dhaqmo Adiga.
5. Iska Yaree
Canaanta Una Cudurdaar Qofkii Kugu Gafa ( Kugu Khaldama )
6. Iska Ilaali
Cadhada Siday Doonto Ha Ahaato E Waayo Waxay Fal Shaydaan. La Soco Caafimaadka Iyo Caqligana
Aad Bay Ugu Daran Tahay.
7. Badi Salaanta,
Waayo Walaaltinimada Ayay Xoojisaa.
8.
Hadii Aad
Awoodo Sii Hadiyad Haba Yaraato Qiimaheedu E, Ehelkaaga Iyo Asxaabtaadaba.
9. Isbar Inaad
Dhagaysato Qofka Kula Hadlaya, Barona Habka Wax Loo Dhagaysto Inta Aadan Baran
Habka Loo Hadlo.
10. Ka Fogow
Balaayeysiga Iyo Baasaysigaba, Rajadana Iyo Yididiiladana Badi, Waayo Rajada Oo
La Badiyo Waxay Kuu Noqonaysaa Taageero Iyo Xoog Aad Ku Dhaafto Waqtiyada Adag
E.
11. Iska Jir
Qalbi Adayga Iyo Calool Adaaygaba Waayo Waa Sifooyinka Doqoniimada E.
12. Markaad Fikrad
Soo Ban Dhigayso Qof Dareensii Inay Tahay Wax Aad Wada Leedihiin Oo Aanad Ka
Fariidsanaynayn Kana Caqli Badayn.
13. Iska Jir
Isla Waynida Tusna Dadka Inaad Tahay Iyagoo Kale, Heerka Aad Doontaba Aad
Gaadhid E, Waayo Rabiigeen Sw Ma Eego Qofka Isal Wayn Qiyaamaha, Lan Soco In Aadam
Iyo Xaawo Ay In Wada Dhaleen Dhmmaanteen.
14. Badi Saamaxaada
Iyo Cafiga Waayo Nadaafada Qalbiga Iyo Naftaba E.
15. Marka Aad
Qof Waaninayso Ilaali Dareenkiisa Oo Ha Ku Odhan Ereyo Dhaawacaya Qalbigaysiisa
Iyo Naftiisa Toona.
16. Caawi Oo
Garab Sii Qayrkaa Marka Ay Kuu Baahan Yihiin Waayo Rabi Baa Kuu Kaalmayn Doona
Maalainta Aad Baahatoe.
17. Iska Ilaali
Dhaliisha Aflagaadada Iyo Naqdiga Badan Waayo Kalmada Xumi Qalbiga Ayey Wax
Yeeshaa, Waxaa Laga Yaabaa Inay Colaad Iyo Nacayb Isu Bedeshoe.
18. Ha Badin
Qosolka Aan Haboonayn – Waayo Qosolka Aan Macnaha Lahayni Haybada Iyo
Daganaanta Ayuu Kaa Qaadayaa E.
19. Isbar Dulqaadka
Iyo Adkaysiga Waayo Waa Laba Sifo Oo Rabigeen Iyo Rasuulku Csw Ay Jecel Yihiin
20. Ka Faa’idayso Waxyaalaha
Wanwanaagsan Ee Hareerahaaga Ah Noqona Sida Shinida Oo Kale Waayo Inta Ay Kolba
Ubax Fuusho Ayey Kala Baxdaa Manka Iyo Muudkabaa.