War Deg Deg:

Ma Doonaysaa In Aad Isbedel Weeyn Ku Sameyso Nafsaddaada? Akhri..

Like Saar
JOOJI DHAMAAN 12-DAAN ARIMAADO OO HOOS KU QORAN
1. In Aad Runta Ka Cararto, Beena Ku Noolaato
2. In Aad Habeenki Oo Dhan Soo Jeedo, Maalintina Hurudo. Ma Aha Sidi Alle U Abuuray Uguna Talagalay Habeenka Iyo Maalinta

3. In Aad Ku Noolaato Xusuus Iyo Wixi Aad Soo Dhaaftay 
4. In Aad Waqtiga Ku Dayacdo Wax Aan Dan Kuu Ahayn
5. In Aad Isku Haleyso Dad Kale Inay Farxad Kuu Keenaan
6. In Aad Iska Fadhido Oo Caajis Iyo Wahsi Ku Diloodaan
7. In Aad Medadaalo Iyo Caweys Waqti Badan Ku Lumiso
8. In Aad Khiyaali Iyo Dhalanteed Isaga Jirto
9. In Aad Naftaada Ka Shakiso, Noloshana Ka Quusato
10. In Aad Is Tus-Tus Iyo Halagaa Sheego Wax Kasta U Sameyso
11. In Aad Noqoto Qof Aan Naftiisa Ka Adkaan Karin, Go’aana Gaari Karin
12. In Aad Cabasho, Calaacal Iyo Cambaareyn Joogta Ka Dhigato
BILOW 15-TAAN ARIMOOD OO HOOS KU QORAN:
1. In Aad Fahanto Ujeedada Nolosha Iyo Waxa Aad U Nooshahay
2. In Aad Alle Aaminto Kuna Kalsoonaato
3. In Aad Dadka Caawiso, Xushmeysid, Una Naxariisatid
4. In Aad Sameyso Wixi Wanaag Ah Oo Aad Jeceshahay
5. In Aad Is-Bedel Dhab Ah Sameyso, Go’aana Qaadatid
6. In Aad Alle Ugu Mahad Celiso Nimcada Uu Ku Siiyay Xilli Kasta
7. In Aad Garato Mas’uuliyad Weyn In Ay Ku Saaran Tahay, Wax Kastana Adigu Aad Mas’uul Ka Tahay
8. In Aad Dabeecadaada Hagaajisid, Kuna Dhaqantid Daacadnimo Iyo Cadaalad 
9. In Aad Aqbasho Qadarta Alle. Ogaatid Wax Kasta Inay Ku Dhacaan Sabab
10. In Aad U Furto Maskaxdaada & Qalbigaaga Inaad Barato Wax Ku Anfaca 
11. In Aad Ka Faa’iideysato Fursad Kasta Oo Faa’iido Kuu Leh Oo Ugu Horeyso Maareynta Waqtigaaga
12. In Aad Badiso Saburka Iyo Salaada
13. In Aad Nafta Ku Mashquuliso Wax Dan Kuu Ah, Qabatid Hawl Kasta Oo Kuu Taal Adigoo Dib U Dhigan
14. In Aad Waqti Fiican La Qaadato Qoyskaaga, Daryeesho, Kuna Dedaasho Horumarinta Mustaqbalkooda
15. In Aad U Noolaato Si Fudud, Dhulkana U Socotid Si Tartiib Ah
Noloshu Way Gaaban Tahay, Ha Ku Noolaan Qooto Qooto

Share – Sii Faafi
Ka Faaidaysi Wacan |Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS

No comments