War Deg Deg:

Sawirada Iyo Magacyada: Raggii Ka Dambeeyay Qaraxii Zoobe Ee Magaalada Muqdisho Oo La Qabtay.

Like Saar
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay rag ay sheegtay inay ku tuhmeyso inay ka dambeeyeen weerarkii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe, ee Magalaada Muqdisho.
Weerarkaas oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 400 qofood, iyadoona dhaawac uu intaas ka badan yahay, waxaana jira dad lagu la yahay nolol iyo geeri ah.
Wasiirka Wasaarada Warfaafhinta ee Xukuumada Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa bartiisa gaarka ee Facebook-ga, wuxuu ku shaaciyay magacyada iyo sawiraddaan ragaan oo gaaray ilaa lix ruux.
Wuxuu sheegay Wasiirku in ragaan ay yihiin kuwa ka dambeeyeen weerarkaas, islmarkaana ay ku ogaadeen baaritaano ay ku sameeyeen, wuxuuna carabka ku dhuftay in, wali ay uharsan tahay baaritaano kale.
Mr Yariisow, ayaa ku nuux nuux saday in ragaan ay isugu jiraan, saraakiil iyo dagaalamayaal, asigoona si cad u qeexay in lixdaan qofood ay soo qabteen Ciidanka Dowlada Federaalka ah, ee Soomaaliya.
Hoos Ka Arag Magacyadda, Sawirada Iyo Xilalka Aay Kala Haleen:-



1: – Mukhtaar Maxamuud Xasan Gardhuub,







2:- C/wali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado.






3:- Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay.






4:- Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo.








5:- C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii ka xeynayay Gaarigii
 TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray Maadey (Cusmaan Xaaji).





Ka Faaidaysi Wacan |Wax Ka Ogaaw Xaalada Dalka|Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS

No comments