War Deg Deg:

Tuugsade mustaqbalkii guursaday marwado habeen tuugsiga ugu tagay "

Like Saar
Waxey aheyd habeenkii ugu horeysay arooskooda. Markay xafladii dhamaatay oo labadooda aqalka
keli ku noqdeen oo cashadii cunisteeda u fariisteen ayaa qof albaaka u soo garaacay kub kub kub..!!
Ninkii baa xaaskiisa ku yiri soo fiiri qofka saacadaan albaabka taagan. Markay albaabka furtay waaba nin miskiin ah oo tuugsanaya. Sug bey tiri ,ninkeeda ayeey ku soo laabatay waxeyna u sheegtay in qof tuugsanaya oo baahan uu banaanka taaganyahay.
Ninkii ayaa aad intuu xanaaqay buu si dag dag ah oogu tagay miskiinkii albaabka taagnaa qeylo iyo caay ayuuna iskugu daray waxuuna ku yiri Ma xiligaan baa albaabka la isku soo garaacaa , miyaadan xishooneen...??!!
waa habeenkii ugu horeeyay ee aqal galkeena. Waxba kuuma heenee Bax na dhaaf. Ninkii miskiinka ahaa asagoo yaaban ayuu iska tagay..!
Ninkii aroooska ahaa xaaskiisa ayuu ku
soo laabtay asagoo is leh guda gal howlaha sariirta shaarkii iyo surwaalkii ayuu siibtay, sariirta ayuu dhinac Ka soo koray laakin nasiib daro Isla markiiba waxaa ku soo booday xanuun maskaxda iyo qalbiga ah wuuna waashay sidaas darteed gabdhii waa kala tageen isla maalinkii xigtay habeenkaas..!
Muda dheer ayay gabadhii Garoob ahayd kadib ayaa hadana laguursaday isla habeenkii koowaad
arooskeeda ayaa hadana qof albaabka usoo garaacay. Ninkeeda ayaa dhahay bal soo eeg qofka albaabka taagan markey albaabka furtay waa nin tuugsanaya oo leh ii kaalmeeya. ninkeeda ayeey ku tiri waa qof miskiin ah waxuu dhahay hoo
cuntadan iyo biyahan u gee. markey cuntadii u geeysay ayeey aqoonsatay qofka tuugsanayo. Ninkeedii ayeey ku soo laabatay iyadoo ooyneysa waxuu dhahay maxaa kugu dhacay. waxey tiri
ninkaan tuugsanayo waa ninkeygii hore oo habeenkeenii arooska ayuu qof miskiin ah ceyriyay oo si xun ula hadlay markaas ayaa ninkeedii asagana ooyay waxuu dhahay anigana waxaan ahay ninkii miskiinka aha ee habeenkaas
tuugsanayay !!!!!
Aduunyada waa harka labadiisa galin. Waligaa qof dhibaataysan Si xun ha oola dhaqmin. Bari iney adiga ku qabsan doonto Ma ogide..!

Xigasho:- Abdikhalaq Abdulaahi Oneday

Ka Faaidaysi Wacan |Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS


No comments