War Deg Deg:

Maanta maxaa ka dhacay Masaajidka Isbaheysiga?. Oo Salada Janasada Lagula Dukanayay Nabadon Axmed Diiriye

Like Saar


Aduunyadu waa imtixaan aadanaha lagu saleeyay si qof kasta uu tusaalooyin dhaadheer ugu qaato.

Hadii aad qoraalkan si degan u aqriso waa dhab inad go’aan deg deg ah qaadan doonto laakiin Walal go’aankaaga ha noqdo mid ficil ah.

Waxaa ka mid ahaa dad badan oo ka qeyb galaayay Salaada Janaasada ee lagu dukaday Allah u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Gudaha Masaajidka waxaa ku sugnaa Wasiiro an ka xusi karo Wasiirka amniga, Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo Wasiir ku xigeeno badan.

Sidoo kale gudaha waxa ku sugnaa Xildhibaano an ka xusi karo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Sheekh Nuur, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow iyo Xildhibaano kale.

Dhanka Maamulka gobolka banaadir waxaa joogay guddoomiyaha gobolka banaadir, guddoomiye ku xigeenka koowaad, Xoghayaha guud iyo inta badan guddoomiyaasha degmooyinka.

Dhanka Saraakiisha Ciidamada waxaa ku sugnaa Masaajidka Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta, Saraakiil booliis ay ka mid yihiin Cali Gaab iyo Maxamed Daahir.

Sidoo kale waxaa ku sugna gudaha Madaxweynaha Galmudug, Culima udiin, Odayaal dhaqameedyo, Nabadoono iyo dad badan oo shaqaalaha dowladda dhexe, Maamulka gobolka iyo Galmudug.

Inta aan soo xusay iyo in kaloo badan oo gudaha Masaajidka fadhiya oo aan sugeyno Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre si uu noogula qeyb galo Salaada Janaasada ee Marxuum Axmed Diiriye Cali ayaa waxaa istaagay Wiil dhalinyaro ah oo muuqaalkiisa hadi aad aragto aad ka dareemeyso Xanuunka uu dareemeyo, jirkiisa dhana uu wada jareynayo.

Waxa uu cod dheer oo dareen leh ku yiri

“ Marka hore Marxuumka Allah ha u naxariisto Janada Allah geeyo, marka xigta walaalayaal waxaan idiinka codsanaya inad i caawisaan waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo aad u xanuunsan, Xanuunka neerfaha aya i haya sidaad u jeedaan, waxa hada u baahanahay lacag dhan kun iyo sideed boqol oo doolar { $ 1,800 } si aan daawooyin ugu gato xaaladeyda caafimaadna ay wax ugu badasho, Agoon ayaa ahay Aabaheey wu dhintay, waa idiin baryaa ee lacagtaa isku key dardara” sidaas ayuu ka hor sheegay masuuliyiintii aan magacyadooda kor ku soo xusay iyo dadkii masjidka ku sugnaa.

Wiilkii dhalinyarada ahaa markii uu sidaas yiri wuu iska fariistay welibo waxa uu fariistay ka soo horjeedka safka koowaad ee Masjidka oo ay fadhiyeen inta badan masuuliyiinta.

Mar kale ayuu istaagay isaga oo oynaya codsigiina ku celinaya mar labaad maadaama uu jawaab ka waayay dadkii uu gurmadka weydiistay lkn maxaa dhacay?.

Waxa dhacday in wiilkii ay u yimaadeen dhalinyarada dhar cadka ah ee bistooladaha ku hubeysan ee la socday Masuuliyiintii meesha joogtay wiilkii ayay ka kiciyeen meeshii uu fadhiyay isaga oo diidan oynaya ayay meesha ka kiciyeen gadaal ayay fariisiiyeen.

Wiilkii oo oynaya ayaa mar kale soo laabtay lkn wa loo diiday inuu hadlo dib ayaana loo celiyay, isaga oo gacanta laga hayo ayaa la marsiiyay meel uu fadhiyay masuul ay si gaar ah wiilkan xaaladiisa ugu saaan tahay.

Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yimid salaadii ayaa la galay ka dibna waa la iska soo baxay oo misaajidkii wa laga soo wada dareeray iyadoo aysan jirin cid ka jawaabta codsiga iyo baahida wiilkan dhalinyarada ah ee ku dhiiraday ee aan ka xishoon inuu dad badan soo hor istaagay dhibka heystana sheego.

Axmed ahaan waxaa isweydiiyay intii masuul ahayd ee aan kor ku soo xusay magacyadooda iyo xilalka sare ee hayaan maxay wiilkan dhalinyarada ah codsigiisa u fulin waayeen oo ay ugu shaqeyn waayeen hagaajinta mustaqbalkiisa mugdiga ku jira iyo xaalada adage e uu ku jiro.

Markii uu hadlaayay aniga iyo dadkii agteyda fadhiyay ayaa wada dhahnay ALXM, Fursad ayuu helay oo madaxda oo wada joogta ah waxna waa loo qabanaya ee Masuulkee ajarkaan shaqeynaya ee xaalada caafimaad ee wiilkan kafaalo qaadaya laakiin ma dhicin.

Intii masuul ahayd ee masaajidka ku sugneyd hadii mid walbo uu dhiibo boqol doolar { $ 100 } waa laga jawaabi karay codsiga wiilkaasi agoonta ah ee dhibaateysan waana la kafaala qaadi karay.

Walal waxa si naxariis leh kaaga codsanaya in go’aanka aad qoraalkeyga ka qaadato uu noqdo mid badbaadin kara mustaqbalka mugdiga ku jiro ee wiilkan dhalinyarada ah.

Mushkiladu waa wax ku qoran, qof kastana waxa uu Alle u qoro ayuu la kulmaa, dhib walbo oo qof naga mid ah ku dhaco waxa loogu gudbi dulqaad, iscaawin, iyo isu naxariisasho ee walal aan isku naxariisano si uu Allah inoogu naxariisto Insha ALLAH.

061 6-973401 Waxa wata Maxamed Xasan oo ah Wiilka Xanuunsan cidii Awooda ha caawiao Inaha Allah wuuna Caafimaadaya.

Mahadsanidiin.

No comments