War Deg Deg:

Qabyaaladda Iyo Dhibaatada Aay Ku Heeyso Dhalinyarada Soomaaliyeed.|KADARSHE|2018.

Like Saar

Waxaan Jeclaystay In Aan Idin La Wadago Waxna Idinka Tusiyo Dhibaatada Aay Qabyaldu Maanta Ku Haysto Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee Laga Filayey In Maanta U Fakraan Maskax Furan Iyo Dalkooda Iyo Dadkooda Siday Dhibatada Uga Saari Lahayen.
Waxa Igu Dhaliyey In Aan Qoro Maqaalkan Kadib Markan Dhalinyaro Badan Oo Soomaaliyeed Ah Ubax Aay Sugaysay Umada Somaliyed Ee Ku Jirtay Mudada Ka Badan 20ka Sano Dhibta Iyo Balayda Kaga Timi Qabyalada Hada Iftinka Yare Ee U Baxaya Ay Tahay Bal In Dhalinyarda Da’da Yar Ee Waxbarasha Ugu Jira Ay Kasari Doonan Ilaah Idinkis Dhibta Hada Haysata Lakinse Iyaga Hada Ku Mashqulsan Qabyaalad Hamigas Loo Qabana Aad Moodo Inaysan Gudan Karin Haday Sidas Kusocdan Oo Qabyaladii Na Kala Gaysay Iyaganuna Manta Falanqaynteda Wadan.
Arintaas Aay Higsanaya Umada Somaliyeed Ee Ah In Mar Uun Dhalinyaradooda Ay U Kici Donan Kana Saari Doonan Dhibtada Aya Waxa Aad Iyo Aad U Muuqata In Inbadan Oo Kamid Ah Dhaliyarada Somaliyeed Manta Ay Ku Mashquulsan Yihin Qabyalada Fakarkoda Iyo Xaydabka Farkarkoda Aysan Dhafsisnayn Inuu Wax Kasta Ka Eego Wax Ku Duro Waxa Ku Taagero Qabylaad Mararka Qaybtoodna Aad Ku Arkayso Barta Internetka Ee Facebook Ama Website Yada Commentiyda Ay Inta Badan Dhalinyaradu Ka Bixinaya In Ay Kaga Hadlayan Waxan Dhafisisnayn Qabyalada.
Hadaba Qabyaladu Maxay Tahay Maxase Diintu Ka Qabta:
Qabyaaladu Waa Isxaqirid, Isdulimin Iyo Sharciga Islaamka Oo La Jabiyo Garab Ku Siiso Dalim Kuna Tageerto Dalimkas Inu Mid La Dhulmiyey Dhibta Uu Kusii Hayo Taasina Wa Xaaran Oo Cidii Sidaas U Dhaqanta Ama Ku Fikirta Uu Ifka Dulmi Iyo Dulinimo Ku Noolanayo Mustaqbalkisa Danbana Ka Aayi Doona Dhibtas U Sameyey Darted Aakhirana Caadabta Jahanama Ayuu Tagayaa. “Qabiilka In Laysugu Faano, In Lagu Dagaalamo, In Dhiigga Lagu Xalaashado Kitaabka Ilaaheyna Lagu Hooseysiiyo Looma Abuurin, Waxa Loosoo Dejiyey In Ay Dadku Isku Gartaan Khayrkana Isugu Kaalmeystaan”Sheekh Bukhaari Ayaa Yiri.
Hadaba Maxa Nala Gudboon Dhalinyaroy Hadii Qabyaladu Diintu Sidas Ka Tiri Xumantas Iyo Dhibtas Ku Ledahay Arimaha Bulshada Kala Xirxir Iyo Qoqob Ku Kenayso Sow Ma Ahan In Aan Ilaah U Tobad Keno Oo Ka Baxno Guumaysiga Uu Qabyalada Maskaxdena Ku Hayo Oo Noqono Dad Xor Ah U Fakaraya Umad Iyo Dal Iyo Diintoda Siday Kor Ugu Qadi Lahayen. Waxa Iga Dar Daran Ah Walalayal In Aan Xumantas Ka Fogano Ilaahna Waxan Ka Baryaya Quluubtayda Iyo Tiinaba In Xumantas Qabyalada Kasaro Uusana So Galin Bisha Barakesan Ee Ramadan Aya Ku Jirna Ilaah Ha No Aqbalo Ducadas.
Aamin Aamin Aamin

No comments