Warbixin Iftiimineeysa Xaaladaha Ugu Dambeeyay Ee Itoobiya Ka Jira |KADARSHE|2018.
Alle
wax buu dooney, Melez Zenawina waxbuu rabay waxa uuna rabay in Soomaali uu wada
gumeysto; haseyeeshe, tii Alley noqotay oo bakhti Meles Zenaawi waxa uu ka
tagay Itoobiya oo fooshu ku adkaatay 4 sano uun ka hor.
Maantase foolatey!
Waxa hadda oo aan qormadan
qorayo laga soo sheegayaa in dagaal isir oo u dhexeeya Axmaarta iyo Tigray-ga
uu ka socdo Walqeyt oo ah dhul ay labada qoomiyaddood naceybkoodii qarniyaalka
soo jirtay dib uga bilaabantay. Khasaaraha baaxad leh oo naf iyo maalba leh
ayaa laga soo sheegayaa.
Ka dib markii culeyskii ka
dhashay cabudhinteeda uu la ciirey miisaankiisa waxaa ay danbarsatay Ra'iisal
Wasaare Xayle Maryan Desalen oo xilkii uu Meles ka bakhtiyay ku fadhiyay taniyo
2012-kii. Wuuna is casilay culeys ugaga yimid dhinaca Jananada Tigray-ga ee
gaashaandhiga iyo Sirdoonka ay talada ka go'do hayay 27-kii sano ee u
danbeysay.
27 sano oo uu qaab rabshado leh
iyo qoriga caaradiisa ku maareynayay Xisbiga Tigray-halkii uu dal 96
qoomiyadood ku nool yihiin ugu hogaamin lahaa sinaan iyo cadaalad-waxa uu
shirkiisii u danbeeyay Tigray is la qaatay khalad dhankiisa ka yimid in ay
Itoobiya danbarsatay. Si xun ayuuna isu dhaliilay qaar hore oo hogaankiisa ah
ayuu eryay, halka kuwo cusubna uu magacaabay.
Haseyeeshe, labadii sano ee u
danbeysay waxa ay u aheyd "i jiid aan ku jiidee", taas oo
gacmo'daalis kaliya noqon ee sidoo kale madax-xanuun daran ku riday hogaanka
TPLF dal iyo dibadba.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in
uu gacanbir ah kala horyimaado Oromo, si uu uga badbaado musiibada Axmaarada oo
isaga ka dadcunsan la maagan tahay jab aan horey loo arag. Laakiin, waa mid uu
la soo daahay dadkii waxa ay jabiyeen deyrkii cabsida waxa ayna barteen in
"qaniinyo, qaniinyo kale kaa fujin karto". Waxa ayna u la diyaar
noqdeen wax walba oo shirqoolo ah.
Xisbiga xoreynta Tigray ee TPLF
waxa ay qoraalo badan oo taageerayaashooda ah soo mariyeen baraha bulshada,
iyaga oo leh: "Ha la duceysto."
Tigray ma u baahan yahay
qodobka 39-aad ee gooni'isutaaga?
Tigray waxa ay ka cabsanayaan
haddii Axmaaro xukunka dalka la wareegto, markan, in ay sameynayaan Axmaartu
wax walba oo ay ku cidhib tirtiri karaan, is la markaasna Axmaarada uga mid
dhigi lahaayeen.
Tigray haddii uu Baarlamaanka
marsan lahaa qodobka 39-aad, kaas oo qeexaya xuquuqda qoomiyad kasta u leedahay
in ay yeelato dowlad Gobaleed, is la markaasna siinaya ilaa xaqa aayo ka tashi
waa looga badan yahay Baarlamaankii amarkiisana waxa ka horyimid marar badan
xisbiyada Oromo-da iyo Axmaada ee OPDO iyo ANDM u matala Xisbiga talada haya ee
EPRD.
Haddii Soomaalidu si la yaab
leh oo ka duwan Afrikada kale yihiin dad isir, af, dhaqan, diin iyo taariikh
mid ah leh Itoobiya 96 kala isir, diin, dhaqan iyo af tahay ayaa ku nool,
kuwaas oo badankoodu aaminsan yahay in jiritaankooda la iska indho'tiray ama aaminsan
in la haysto: Kuwaas oo kala ah:
Aari, Afar, Agaw-Awi,
Agaw-Hamyra, Alaba, Amhara, Anuak, Arbore, Argobba, Bacha, Basketo, Bench,
Berta, Bodi, Brayle, Burji, Bena, Chara, Daasanach Dawro, Debase/
Gawwada,Dirashe,Dime, Dizi, Donga, Fedashe, Felasha,Gamo
Gebato, Gedeo, Gedicho,Gidole, Goffa, Gumuz, Gurage, Silt'e Hadiya, Hamar, Harari, Irob, Kafficho, Kambaata, Konta, Komo
Konso, Koore, Koyego, Kunama, Karo, Kusumie, Kwegu, Male Mao, Mareqo, Mashola, Mere, Me'en,Messengo, Majangir
Mossiye, Murle, Mursi,Nao, Nuer, Nyangatom, Oromo, Oyda Qebena, Qechem, Qewama, She, Shekecho, Sheko, Shinasha
Shita/Upo, Sidama, Somali, Surma, Tigray, Tembaro, Tsamai Welayta, Werji, Yem, Zeyese, Zelmam, iyo Dorze.
Gebato, Gedeo, Gedicho,Gidole, Goffa, Gumuz, Gurage, Silt'e Hadiya, Hamar, Harari, Irob, Kafficho, Kambaata, Konta, Komo
Konso, Koore, Koyego, Kunama, Karo, Kusumie, Kwegu, Male Mao, Mareqo, Mashola, Mere, Me'en,Messengo, Majangir
Mossiye, Murle, Mursi,Nao, Nuer, Nyangatom, Oromo, Oyda Qebena, Qechem, Qewama, She, Shekecho, Sheko, Shinasha
Shita/Upo, Sidama, Somali, Surma, Tigray, Tembaro, Tsamai Welayta, Werji, Yem, Zeyese, Zelmam, iyo Dorze.
Haa, mid walba waxa uu la siman
yahay isirka Soomaaliyeed ee ma aha qabaa'ilo. Ugu yaraan 15 ay ka mid yihiin
Soomaalida, Canfarta iyo Oromadu waxa ay u dagaalamayaan gooni isu-taag iyo
madaxbanaani buuxda.
In kasta oo Mareykan iyo
Ingiriis sii wiiqidda Itoobiya danta ugu weyn ee ay ka lahaayeen ay aheyd in ay
ka manaafacaadsadaan in ku fulin waxa ay isku dayayaan in ay badbaadiyaan dal
ahaan oo ay soo dhisaan dowlad labada Qoomiyadood ee dalka ugu ballaadhan ku
mideysan yihiin:
Axmaaro iyo Oromo.
Axmaaro iyo Oromo.
Maxayse dal horey u bakhtiyay
isku sii heyntiisa uga qaban karaan oo aan ka aheyn in ay sabab u noqdaan
qowmiyadahan faraha badan in ay birta iska aslaan, sida hadda ka dhextaagan
Axmaarada iyo Tigray-ga?
Fadlan walaal adigoo mahadsan
Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.
Qalinkii: Qoraa Sare Ahmed
Abdi. Iyo Soo Gudbintii:- Olad Ahmed Mohamed.