War Deg Deg:

Akhriso Sirta Guusha Nolosha | Lawadaag Asxaabtaada | Share | KADARSHE|2018.

Like Saar

Sirta Guusha Nolosha Waa Sida Aad Ula Macaamisho Caqabadaha Ku Soo Wajaha Iyo Casharka Aad Ka Baratay Wixii Horay Kuu Soo Maray.
Waxaan Halkan Kugu Soo Gudbineeyaa Dhoowr Sifo Oo Ku Caan Ah Sirta Guusha Nolosha Iyo Dulucda Ka Dambeysa.
1-Marka Aad Hawl Qabaneyso Si Cabsi La,Aan Ah U Qabo.
Haddii Aad Cid , Shaqsi, Ama Koox Ka Baqeyso Weey Adaktahay In Aad Gaarto Hadafkaada Mana Laga Yaabo In Aad Hesho Sirta Guusha Nolosha.
2-Marka Aad Fekereyso U Feker Si Hal Abuurnimo Leh.
Waxaad U Fekertaa Si Ah Maxaa Cusub Oo Aan Soo Kordhin Karaa? 
Sidee Waxa Hadda Yaala Wax Ka Duwan U Keeni Karaa? 
Ma Jiraa Wax Muhiim Ah Laakiin Aan Horay Loo Qaban? 
Haddii Aad Sidaa U Fekerto Oo Waa La Yiri Iyo Mala Sameeyn Karo Aad Meel Iska Dhigto Waxaad Ku Socotaa Jidka Sirta Guusha.
3-Marka Aad Shaqeyneyso Noqo Qof Dulqaad Leh.
Shaqada Nuucey Doonto Ha Noqoto Waxey Leedahay Caqabdo Kaa Soo Wajaha, Waxeyna Mararka Qaarkeed Kuna Keentaa In Aad Iskaba Joojiso , Laakiin Waxaa Lagaga Maarmaan Ah In Aad Dulqaad Sameyso Oo Aad Xusuusato Erayada Heesta Ah ( Fulayow Guuli Kuu Dhaweydaa ) Waxii Aan Loo Dulqaadan Lagama Gun Gaaro Markiiba Ilaa Aad Liicdo, Kufto Haddana Aad Dib U Kacdo. Ogow Haddaad Sidaa Yeesho Waxaad Ku Taagan Tahay Waddada Guusha.
4-Marka Aad Hadleyso U Hadal Si Daacadda Ah .
Hadaladaada Waa In Ay Aasaas Iyo Run Ku Saleysan Yihiin, Oo Waxyaabaha Aad Sheegaysaa Waa In Daacad Aad Ka Ahaato. Laakiin Haddii Cid Ku Qancin Ama Raaligelin Kaa Tahay, Amaba Aad Shaqsi Ama Urur Iska Dhaadhicineysid Waxaad Ku Danbeyn Qasaaro. Mana Gaari Doontid Hadafkaada Iyo Himiladaada Dariiqaaduna Ma Aha Midkii Guusha.
5-Marka Aad Dad La Kulmeyso Noqo Qof Qiimeeya Dadka.
Waxaa La Hubaa In Aad Maalin Walba Aad Eegto Taleefankaada Cidda Ku So Wacda Ama Fariin Kuu Soo Dirta, Sidoo Kale Haddii Aad Leedahay Facebook Waxaad Eegtaa Maalin Walba Cidda Ka Soo Falcelisa Wixii Aad Dhigtay Sida Sawir Ama Qoraal. Laakiin Su’aasha Waxey Tahay Maxaan Nafsaddaada U Eegi Weyday Heerka Ay Taagan Tahay? Oo Haddii Waddo Aan Sax Aheyn Ku Socoto Uga Qaban Laheyd. Haddii Adiga Aad Qirto Wanaaga Dadka Kale Waxaad Hogaankiisa Qabatay Mid Ka Mid Ah Dhabaha Sirta Guusha.
Dulucda Sheekada: Haddii Aad Gasho Tartan Lagu Tartamayo Baabuur Oo Aad La Soo Shirtagto Baabuur Cusub Weliba Aad Ogtahay Arkeysana In Baabuuro Kaloo Cusub Ay Tartanka Kugula Jiraan. Waxa Lagu Kala Guuleysto Ma Aha Dhaqaaqa Xawaaraha Gaariga Ee Waa Baddalka Geerka ( Marshada ) Xiliga Ku Haboon.
Marka Ma Dooneysaa In Aad Tartanka Sirta Guusha Ku Guuleysato? Haddii Ay Haa Tahay Qaado Oo Ku Dhaqan Qodobadaa.