War Deg Deg:

Ma Ogtahay In Tukashada Salaada Looga Bixi Karo Dhibaatooyinka Iyo Murugada.

Like Saar

Sidaan la socono Salaada waa shey waajib ah qofkii ka tagaanaa waxaa inta badan lagu xukmiyaa in uu ka baxay Islaanimadda, si walibaa ha noqotee Salaada waa mid kamid ah tiirarka Islaamka, waana mid muhiim u ah qofka Islaamka ah meel waliba uu dunidda ka jooga.

Dhanka kale waxan lasoconaa in Salaada ay tahay waxa ugu horeeya ee mu’miniinta laga xisaabin doono maalinta Qiyaamaha cibaado ahaan, waxaan Alle Weyne ka barinay in uu Alle Weyne inaga Aqbalo salaadaheena.
Dhanka kale Salaada waxaa shay aad muhiim ugu ah qofka Muslimka oo uu kaga bixi karo dhibaatada iyo tiiraanyada lasoo gudboonaata, hadii uu salaada ku cararo qofka muslimka ah kolka dhib lasoo gudboonaado waxaa u fududaata arrimihiisa oo dhan mida adduun iyo ta Aakhiraba.