War Deg Deg:

Ogoow Hadii Jeebkaada Eber Yahay, Waxad Heysataa Wax Aad Bixin Karto.

Like Saar
Ma waxaad u heysataa in hadii aad jeeb maran tahay ama koontadaada Bankiga ay eber tahay aadan waxba bixin karin?
Dad badan waxaa farxadooda nolosha ka qaada iyagoo ka fakira ama ka walwala saboolnimo iyo faqri. Waxay ku fakiraan marki aad wax hesho ayaad wax qabsan kartaa ama wax bixin kartaa.
Ma ogtahay in ay jiraan waxyaabo badan aad maalin kasta bixin karto kuwaasoo aan qiime ku kicin ama lacag u baahneyn?
1. Alle oo aad u Mahadceliso, dambi dhaafna weydiisato
2. Faraha gacantaada oo aad ka tasbiixsato
3. Wado aad dhib ka leexisay
4. Hadal wanaagsan aad ku hadashay
5. Waayeel aad u naxariisatay ama caawisay
6. Salaanta Islaamka oo aad ku salaanto qof kasta oo kaa soo hor baxa
7. Caruurtaada oo aad ciyaarsiiso ama cashar u aqriso
8. Qoys burbur qarka u saarnaa oo aad Nabad dhex dhigtay
9. Afkaaga iyo adinkaaga oo umadu ka amaan heshay
10. Waalidkaa iyo Walaalahaa oo aad u duceysay
11. Qaraabo aad xiriirisay
12. Asxaabtaada oo aad Alle ka cabsi ugu baaqday, Aakhirana xasuusisay
13. Xoogaaga oo aad si mutadawacnimo ah ugu adeegtay arrimo dan guud ah
14. Bukaan aad Cusbitaal ku booqatay
15. Qof kurbo Aduun heyso oo aad dhiirigelisay ama Rejo gelisay
Xaqiiqdaa intaa iyo ka badan uma baahna wax lacag ah, waxaadna sameyn kartaa maalin kasta. Waa sadaqo, waxaad ka helaysaa Ajar iyo Xasanaad, waxay kuu iftiiminayaan maalintaada, waxaa kugu jeclaanaya Bulshada, waxaa kuu duceynaya dadka, waxaad dareemaysaa deganaan iyo farxad.
Isma ogidee waxaad tahay Taajir weyn!
Share – sii faafi