War Deg Deg:

BARO 7- Sababood Oo Uu Hadafkaagu Kuugu Hirgeli La'yahay.

Like Saar
(1) Hadafkaagu Kuuma Xaddidna.
     •Marar Badan Waxaad Arkaysaa Qof Ku Leh Inaan Wax Bartaan Rabaa, Haddana Waan U Dhaqaaqi La'ahay. Inaan Wax Bartaan Rabaa. Inaan Hanti Yeeshaan Rabaa. Inaan Dadkayga Wax Taraan Rabaa. Intaasoo Dhamiba Hadafyo Xaddidan Ma Aha, Ee Waa Riyooyin Guud. Riyada Iyo Hadafkana Farqi Baa U Dhexeeya. Cid Waliba Way Riyootaa Oo Wax Bay Doonaysaa Inay Maalin Uun Gaadho, Laakiin Riyadaasi Wuxuun Bay Rumowdaa Kolka Hadaf Loo Baddalo, Hadafkaana Shuruudihiisa La Buuxiyo. Shuruudaha Hadaf-dhigashadana Waxa Ugu Horreeya Kolka Hore In Hadafkaagu Xaddidan Yahay. Dhowr Tusaale Aan Hoos Idiinkula Wadaago Oo Tilmaamaya Waxa Ay Ku Kala Duwan Yihiin Riyada Hadafka U Eeg Iyo Hadaka Xaddidan:
TUSAALAHA KOOWAAD.
Riyada Hadafka U Eeg: "Waxaan Rabaa Inaan Wax Barto."
Hadaf Xaddidan: "Haddu Eebbe Yidhaahdo, Waxaan Rabaa Inaan 2022 Aan Ka Qalin Jabiyo Kuliyadda Dhaqaalaha"
•TUSAALAHA LABAAD.
Riyada Hadafka U Eeg: "Waxaan Rabaa Inaan Wax Akhriyo."
Hadaf Xaddidan: Haddu Ilaahay Yidhaahdo, 2018 Waxaan Akhrinayaa 25 Buug Oo Ku Kala Saabsan Cilmu Nafsiga, Taariikhda Iyi Shareecada."
TUSAALAHA SEDEXAAD
Riyada Hadafka U Eeg: "Inaan Miisaanka Iska Dhimaan Rabaa"
Hadafka Xaddidan: "Haddu Eebbe Yidhaahdo, 90 Ka Cisho Ee Soo Socda, Waxaan Iska Dhimayaa 15 Kiilo."
Ma Aragtaa Waxa Ay Ku Kala Duwan Yihiin Labadaa Nooc Hadaf? Aad Bay U Kala Duwan Yihiin. Way Kala Saafan Yihiin. Way Kala Xaddidan Yihiin. Weliba Mar Kasta Oo Aad Sii Saafto Ama Aad Macluumaad Dheeri Ah Oo Ku Saabsan Sida Aad Ku Gaadhaysid Aad Ku Darto, Way Ka Sii Wanaagsan Tahay.
Sababta Ugu Horreysa Ee Aad Yoolkaaga Ama Hadafkaaga Aad U Xaqiijin La'dahay Waa Xaiddid La'aan. Riyadaada U Baddel Hadaf Xaddidan.
La Soco Qaybta Labaad.
La Wadaag Saaxiibadaada (S H A R E)
Qalinkii Mubarak Hadi

No comments