Akhriso: - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Fariin U Diray Xildhibaanada Soomaaliya
Saaxiibo badan oo Baarlamaanka ka trisan ayaa iga tala waydiiyey doorashada gudoomiyaha Golaha Shacabka. Waan la wadaagay ra’yigayga ku aadan shakhsiga xiligan ku haboon hoggaanka Golaha. Fariintan hoose waxaan u diryaaa intooda aanan fursada isku helin.
Mudane Xildhibaan
Baarlamaanka waa hooyada hay’adaha Dastuuriga ah waa unugga uu dhismaha hay’daha dawladnimo ka bilaabmay, waa gunta geedi socodka dhismaha iyo nabadda dawladnimada Soomaaliya, waa astaanta madaxbanaanida qaranka iyo midnimada dadka iyo dalka. Waa Hay’adda sharci dejinta iyo kor joogtaynta laanta fulinta.
Waxaa horyaala waajibaad culculus oo lagama maarmaan u ah ka bixista ku meelgaarka sida; dhamaystirka dastuurka, meel marinta hannaanka xisbiyada badan iyo heshiis laga gaaro qaabka doorashada 2020/21, qaybsiga awoodaha, kheyraadka iyo dakhliga dalka, dib u heshiisiinta dadkeena, dib u habaynta Garsoorka iwm.
Hawlahaas waxay Baarlamaanka kala dhexeeyaan laanta fulinta. Kooxda Villa Somalia waxay wada shaqaynta u yaqanaan isku milan. Aragtidooduna waa
“Kala dooro in aad na raacdo ama xabad, xasaanad qaadis iyo xil ka tuuris”
Tassi waxay dalka gelisay jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed. Waxay kaloo lugaha inoo gelisay loolan siyaasadeed ee gudaha dalka ah iyo hardan Gobolka iyo Gacanka Khaliijka ka socda.
Waxaa hubaal ah hadii aan xikmad iyo xilkasnimo lagu xakamayn in saamaynta loolanka oo haatan bilow ah uu xoogaysan doono, raad taban (negative) ahna ku yeelan doono midnimada dalka, iyo danaha kumaanan Soomaali ah.
Haddaba Xildhibaan adigoo ilaalinaya
1- Madaxbanaanida Baarlamaanka iyo in uusan ku milmin laanta fulinta,
2- Hay’adaha dawlada hal gacan gelin, taasoo halis ku ah amniga qaranka Soomaaliya, iyo 3-In Baarlamaanka uu usha dhexda ka qabto, xaliyana natiijooyinka taban (negative) ah ee ka imaanaya ficilada qar iska tuurka ah ee laanta fulinta.

Waxaa kula gudboon in aad doorato murashaxa leh
1- Aqoon, khibrad maamul iyo waaya aragnimo siyaasadeed,
2- Ka madaxbanaan kooxda Villa Somalia,
3- Fahamsan xajmigga masuuliyada hortaal iyo xiliga xasaasiga ah ee lagu jiro
4- Miisaami kara aragtiyada kala duwan ee xubnaha Baarlamaanka,
5- Dhexdhexaad u noqon kara laanta fulinta heer Federaal iyo Gobol
6- Xiriir wanaagsan la yeelan kara Aqalka Sare,
7- Qancin kara dadka Soomaaliya gacanta siiya.

Waxaa laga yaabaa in aysan sifooyinkan laga wada helin dadka hataan tagaan, laakiin waxaa hubaal ah ee la kala badsado. Ruuxa ay aniga ila tahay fariin hoose ayaan isugu gudbinaynaa
Post Comment