Qeeybta 2-aad:- 7 Sababood Oo Uu Hadafkaagu Kuugu Hirgeli La'yahay.
(2). Ma Lihid Sabab Xooggan.
Waxaan Horay U Soo Tilmaannay In Mid Ka Mida Sababaha Uu Hadafkaagu Kuugu Hirgali La'yahay Ay Tahay Inaanu Kuu Xaddidnayn. Sababta Labaad Ee Uu Hadafkaagu Kuugu Hirgeli La'yahay Na Waa Inaadan Lahayn Sabab Xooggan Oo Muujinaysa Inay Dhab Kaa Tahay Inaad Hadafkaa Gaadho.
Hadafkaagu Si Uu Kuugu Xaqiijismo, Waxaad U Baahan Tahay Inaad Leedahay Sabab Xooggan Oo Aad U Doonayso Inaad Hadafkaa Hirgeliso. Waa Inay Kuu Sawiran Tahay Waxa Ay Xaqiijinteedu Noloshaada Ku Soo Kordhinayso. Sidaa Si La Mida Waa Inay Kuu Sawirran Tahay Haddii Aad Yoolkaa Xaqiijin Waydo, Waxa Aad Ku Waayayso Iyo Waxa Ay Ku Badayso. Ahdaaf Badan Oo Aynnu Leenahay Waa Uun Iska Rabnaaye, Ma Naqaanno Sababta Dhabta Ah Ee Aan U Rabno. Sidoo Kale Inooma Sawirna Waxa Ay Nolosheenna Ka Baddelayso Ama Aan Ku Waayayno Haddaan Xaqiijin Waynno.
Hadaf Kasta Oo Kugu Qaaliya Oo Aad Doonayso Inaad Xaqiijiso, Ugu Yaraan Iswaydii 15 Sababood Oo Aad U Doonayso. Sababo Uun Maahee, La Imow Sababo Marka Aad Xusayso Ama Aad Qorayso Uu Dareenkaagu La Fal-galo. Sababo Dareen Ahaan Ku Geeya Maalinta Aad Yoolkaa Xaqiijiso Sida Aad Shucuur Ahaan Dareemayso.
(3) Qaraar La’aan
Waxaa Laga Yaabaa Inaad Yool Xaddidan Leedahay. Waxaa Laga Yaabaa Inaad Garanayso Sababta Aad U Doonayso Iyo Waxa Uu Noloshaada Ku Soo Kordhinaayo. Laakiin Waxa Laga Yaabaa Inaadan Weli Go’aan Ka Gaadhin Waxa Aad Doonayso Inaad Ku Baddelato. Haa, Wax Waliba Qiimuu Ku Fadhiyaa, Wax Walibana Qiimihiisuu Gadmaa. Wax Qiimo Leh Haddaad Doonayso Inaad Hesho, Waxaad U Baahan Tahay Inaad Ku Baddelato Wax Qiimo Ahaan U Dhigma Ama Ka Qiimo Badan.
Tusaale:
Qof Baa Raba In Uu Injineer Noqdo Ama Ganacsade. Laakiin Ma Rabo In Uu Maqaaxiyihii Uu Ka Sheekayn Jiray Ee Wakhtiga Faraha Badan Ku Qaadan Jiray Uu Ka Tanaasulo. Ma Rabo In Uu Yareeyo Wakhtigii Faraha Badnaa Ee Uu La Qaadan Jiray Saaxiibbadiisii Hore Ee Aan Koraynin Oo Uu Noloshiisa Ku Soo Kordhiyo Saaxiibbo Ku Guda Jira Ama Hirgeliyay Waxa Uu Rabo.
Wax Wal Oo Aynnu Doonaynno In Aan Nolosha Helno, Wax Kale Ayay Innaga Dalbaysaa Inaan Ku Baddelano. Wax Wal Oo Aad `Haa` Leedahay, Waxbaa Lagaa Rabaa Inaad `Maya` Tidhaahdo, Waa Halka Ay Soomaalidu Ka Tidhaahdo, Hawl Baa Hawl Looga Tagaa, Oo Macnaheedu Tahay, Adigoo Hawl Ku Goda Jira, Haddii Aad Jeclaato Hawl Kasii Qiimo Badan, Waa Inaad Ka Tagtaa Midda Aad Gacanta Ku Hayso Oo Aad Qabataa Midda Aad Doorbidayso.
Haddaba, Is-waydii Qiimaha Uu Kugu Fadhiyo Waxaa Aad Jeclaatay Ee Aad Doonayso Inaad Hesho, Sidoo Kalana Is-waydii Waxa Aad Ku Baddelanayso.
La Soco Qaybta 3-aad.
La Wadaag Saaxiibadaada (S H A R E)
Qalinkii Mubarak Hadi
Post Comment