Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta La Dooranayo

Like Saar
Doorashadda Gudoomiyaha Cusub ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaysa xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.
Xilka Gudoomiyaha Cusub waxaa u taagan xubnaha kala ah Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali), Saalim Caliyow Ibrow, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Idiris Cabdi Dhaqtar, Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.
Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabadda Doorashadda Nuur iidow Bayle ayaa sheegay in guddigooda uu u diyaar garoobay doorashadda,islamarkaana ay rajeynayaan In si wanaagsan ay ku qabsoonto.
Musharixiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha ayaa xalay kulamo la qaatay Xildhibaanadda Baarlamaanka,waxayna ka codsadeen in ay codka siiyaan.
Amaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay waxaana amniga sugaya Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

Post Comment

No comments