Xildhibaan Mahad Salaad:-“Muudeey Muxuu U Sheegi Waayay in Xil Heeynta Madaxweynaha Aay Tahay 5-sano”,
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad Oo Kamid Ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Ka Hadlay Nuqul Kamid Ah Dastuurkii C/Wali Muudey Uu Sheegay In La Xaday, Kaasi Oo Lasoo Helay,islamarkaana Loo Qeybiyay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya.
“Ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Cabdi Wali Muudey Ayaa Maanta U Qaybiyay Golaha Shacabka Nuqul Uu Ku Sheegay In Uu Yahay Nuqulkii Rasmiga Ahaa Ee Dastuurka, Waxaana Ku Qoran Nuqulkaan In Mudada Xilhaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Ay Tahay Shan (5) Sano Oo Ka Bilaabata Maalinta Xilka Loo Dhaariyo.
Halka Dastuurka Hada Laga Cararayo Ee La Leeyahay Waa La Xaday Ay Ku Qorantahay In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Xilka Uu Haynayo Muddo Afar (4) Sano Ah Oo Ka Bilaabata Maalinta Xilka Loo Dhaariyo.
Gudoomiye Muudey Barlamaankii 9aad Waa Ku Jiray Ee Muxuu U Sheegi Waayay In Mudada Xilhaynta Madaxweynaha Ay Tahay Shan (5) Sano. Mise Dastuurka La Xaday Madaxweyne Farmaajo Ayaa Hada Noo Soo Helay?!
Post Comment