War Deg Deg:

Madaxweyne Farmaajo Oo Si Heer Sare Ah Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Asmara + Sawirro.

Like Saar

Muqdisho(Kadarshe News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.

Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saddex maalmood oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona magaalada Asmara.

Boqollaal dad ah oo luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa jooga hareeraha waddooyinka Asmara.

Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1994-kii.





1 comment

Unknown said...

Casinos in Canada - Casino Review - BaccaratSite777
Casinos in Canada Review. Welcome 에그 벳 bonus of good air jordan 23 retro at least $200. Play 메이저 토토 사이트 real money games, live 메리트 카지노 dealers, 출장안마 Roulette, Blackjack,