Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Magaaladda Asmara ee Dalka Eritrea
Muqdisho (Kadarshe News) -Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaal-kaa Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), ayaa maanta ku wajahan Magaaladda Asmara ee dalka Eritrea.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki,islamarkaana booqashada ay qaadan doonto muddo 3-cisho ah.
Sidoo kale wasiir Geelle ayaa sheegay In booqashadda Madaxweynaha aay noqon doono mid taariikhi ah oo noqon doonto Madaxweyne Soomaaliyeed kii ugu horeey ee taga dalka Eritrea oo sanadkii 1993-dii madax banaani ka qaatay dalka Itoobiya
“Madaxweyne Farmaajo waxaa uu maanta booqasho rasmi oo taariikhi ah ku tagaayo dalka Eritrea, waxaa Soomaaliya iyo Eritrea u bilaaban doona xiriir cusub oo diblomaasiyadeed”waa sida uu yiri ye Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Eritrea ma laheeyn wax xiriir ah sanadihii dambe,waxaana dalkaas lagu eedeeyay in uu taageero kooxaha dowladda Soomaaliya ka soo horjeeday sida Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Soomaaliya ka dagaalama.
Sidoo kale Magaaladda Asmara ayaa sanadkii 2007-dii waxaa lagu dhisay Isbaheysigii la magac baxay Dib u xoreynta oo hoggaamiyhii isbaheysigaas Sheekh Shariif Shiikh Axmed mar dambe loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.