War Deg Deg:

Dowladda Oo Dhagaxaan Waa Weeyn Ku Jartay Isgooyska Zoobe !!!

Like Saar
Muqdisho(Kadarshe News)-Isgosyaka Zoobe oo ah halkii sanadkii hore ay ku dhinteen dad ka badan 500 ruux ayaa xalay la dhigay dhagxaan waaweyn oo lagu jaray halkii gaadiidka ay ku kala wareegi lahaayeen.
Dhagaxaanta waxa ay saameyn ku yeeshteen gaadiidkii u leexan jiray dhanka Buulo Xuubey ee aadi jiray dhanka degmooyinka Wadajir iyo Dharkinley, waxaa u furan oo kaliya Wasaaradda Arrimaha dibadda horteeda inay ka soo leexdaan.
Shacabka magaaladda ayaa si weyn u hadal haya Dhagaxaanta lasoo dhigay isgosyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo dhagxaan waaweyn oo lagu jaray isgoyska Zoobe.

No comments