Xildhibaan Ka Baxay Xisbiga uu Hogaamiyo Xasan Shiikh Sii Aqri Sababta.
Xildhibaan Abdullahi Mohamed Nor oo
kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka baxay
Xubinimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), oo gudoomiye uu ka
yahay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan
Shiikh Maxamuud.
xildhibaanka qoraal uu soo dhigay
bartiisa facebookga ayaa waxa uu ku sheegay in xisbiga uu uga baxay arimo asiga
u gaar ah, waxa uuna ugu mahad celiyay madaxda xisbiga xubnaha ka ah iyo
taageerayaasha.
Waxa uuna yirei:
“BISMILAAHI, Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu
tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinimada Xisbiga
Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) sababa aniga ii gaar ah oo aanan halkaan ku
xusi karin, waxaana u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo
Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan usoo wada shaqaynay ahna Saaxiibo
igu qaali ah. Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar
Wacan”,
Xildhibaan Abdullahi Mohamed
Nor ayaa kamid ahaa Xubnaha Xibsiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), dadka ugu
firfircoonaa kaasi oo ku mideysan yihiin Xildhibaano kawada tirsan baarlamaanka
Soomaaliya iyo Siyaasiyiin horey xilal usoo qabtay dowladda.
Sidoo kale Abdullahi Mohamed
Nor ayaa waxa uu kamid ahaa Guddiga
Maaliyaddda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, balse qoraal uu soo saaray jimcihii
ayuu ku sheegay in uu iska casilay xubinimadii Guddiga Maaliyadda.
Lawadaag Asxaabtaada #SHARE