War Deg Deg:

XIISAD U DHAXEYSA SENATOR MUUSE SUUDI IYO CIIDAMADA DFS OO SII XOOGEYSATAY!!!

Like Saar
Waxaa sii xoogeystay xiisadda u dhaxeysa Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Xildhibaanadda aqalka Sare iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan soo saaray amar ah in laga guuro xeradii hore ee ciidanka Badda Somaliya oo ku taalla Degmada Kaaraan,halkaas oo ay boosas ku leeyihiin Siyaasiyiinta iyo Xubno ka tirsan Dowladda Soomaliya.
Tan iyo markii uu soo baxay amarka,waxaa jirey Ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaas tagay,waxaana is hor istaagay ciidamo u abaabulan qaab qabiil oo ka amar qaata Muuse Suudi.
Dhanka kale waxgarad ka socday dhanka Muuse Suudi ayaa habeen kahor kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanan si dhab ah loo ogeyn kulankaasi waxa ka soo baxay.
Senator Muuse ayaa sheegay dhawaan inuu ogol yahay inuu ka guuro dhulkaasi, balse aysan jirin cid kala hadashay wixii qarash ah ee ka galay halkaasi, maadaama uu dowladihii hore kala heshiiyay, dhismayaalna uu ka sameystay.
“Aniga dhulkaan hanti ayaa iga gashay, qof igala xaajooneysana ma lahan, wareegto soo baxday ayaan ka war helay, waan la noqonay ayaan ka war helay, marka waxaanba fahmi waayay dhanka ay hawshu u socoto”. ayuu yiri Sentor Muuse Suudi.
Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa mudooyinkii dambe waday qorshe ku aadan in dhulka danta Guuud laga saaro dadka iska haysto oo siyaasiyiin u badan.

No comments