Xildhibaan Fiqi Oo Ka Hadlay Ciidamadii La Wareegay Xarunta Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka.
Xildhibaan
Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa
si kukul uga hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo Ciidamada la
geeyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Ciidamada la geeyay Xarunta Golaha Shacabka
at muujinayaa in ayaan kalsooni heysan Madaxda dalka.
‘Kacaanka 16 Maarso iyo inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha
shacabka lagula wareegay waxey muujinaysaa in madaxda dalku aysan naftooda iyo
sharciga dalka aysan midna ku kalsoonayn, taas darteedna ay doorbideen in ay
sharciyadda inqilaabaan ayadoo la joogo qarniga 21-aad iyo dal horey ugu soo
hungoobay afganbi.
Sidoo kale
waxa uu soo hadal qaaday hadal Caawa ka soo yeeray Gudoomiye Jawaari ee ahaa in
lagu yiri saxiix heshiisyo laakin taasi uu diiday.
“Guddoomiyaha golaha shacabku wuxuu jeediyey hadal taariikhi ah,
wuxuuna daaha ka qaaday in heshiisyo qol mugdi ah hoostiis la yiri ku saxiix
inuu diiday, taasna ay keentay in lagu soo duulo barlamaanka si guddoomiye
macmal ah oo waxa xukuumaddu rabto oo kaliya ka dhex qabta golaha
shacabka,Inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha shacabka lagu qabsaday ma ahan
mid sii socon kara, lagumana gaarayo ujeeddooyinka gurracan ee looga gol
leeyahay, wuxuuna soo dedejinayaa in ciddii sharci-darradaas ku dhaqaaqday
sharcigu ciqaabo”
Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo aadaya xili
Caawa ay Xarunta Golaha Shacabka la wareegeen Ciidamo isugu jira xasilinta iyo
Koofi Gaduud,iyada oo lagu eedeynayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.