FAAHFAAHIN: Hoobiyaal Caawa Kusoo Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir.
Degmooyin-ka Gobol-ka Banaadir Ayaa Caawa Waxaa Laga Maqlay Jug Culus Oo Loo Maleynayo In Aay Yihiin Hoobiyayaal.
Degmooyinka Sida-Weeyn Hoobiyaal-ka Looga Maqlay Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Degmada Boondheere, Wardhiigleey, Waaberi, Xamar Jajab Iyo Howlwadaag, Waxaana Dadka Ku Nool Aay Sheegeen In Aaysan Garaneeyn Halka Hoobiyaal-ka Laga Soo Tuuray.
Dhan-ka Kale, Hoobiyaasha Aan La Garaneeyn Halka Laga Soo Tuuray Ayaa Waxa Caawa Lagu Duqeeyay Degmada Xamar Weeyne, Taas Oo Aay Inta Badan Hoobiyaasha Ku Dhaceen.
Hoobiyaasha Ayaa Waxa Aay Ku Dhaceeyn Meelo Badan Oo Ka Tirsan Degmada Xamar Weeyne, Sida Suuqa Qudaarta, Agagaar-ka Hooyooyin-ka Iyo Meelo Kale Oo Badan.
Bisha Ramadaan Oo Aay Caawa Koow Tahay Ayaa Hadana Waxaa Caawa Magaalada Muqdisho Laga Dareemayaa Jawi Ka Bedelan Sidii Xalay, Taas Oo Bulshada Ku Abuurtay Walwal Iyo Cabsi.
Dowladda Soomaaliya Ayaa Horay U Sheegtay In Sugidda Amniga Magaalada Muqdisho Aay U Diyaarisay Ciidamo, Kuwaasi Oo Sugaya Amniga Magaalada Inta Lagu Guda Jiro Bisha Ramadaan.
Ilaa Hadda Laamaha Amniga Wax Faah Faahin Ah Kama Bixin Hoobiyaasha Caawa Ka Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir.
Lasoco Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxa.
Post Comment