War Deg Deg:

Masuul Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Saakay Xabsi La Dhigay | Akhri Sababta

Like Saar
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa xarunta CID ee Magaaladda Muqdisho Lagu xiray Mas’uul ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.

Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa xabsi la dhigay,waxaana loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Dollar).

Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Dowladda ayaa xalay gurigiisa kala baxay Agaasimaha,waxaana haatan uu ku xiran yahay Xarunta Dambi baarista Booliska Soomaaiyeed,baaritaan ayaa ku socda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu cel celisay in ay ka go’an tahay in ay tallaabooyin dhab ah u qaaddo la dagaallanka musuq maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiriXukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah uma yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”.

No comments