War Deg Deg:

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Sheegtay in Aysan Aqoonsaneen Jaamacadaha dalka!

Like Saar
Muqdisho (Kadarshe) - Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneen dhamaam Jaamacadaha dalka ka jira oo ay ku jirto Jaamacadda Umadda.

Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaaradiisu aaney aqoonsaneen jaamacadaha,sababo la xiriira tayada iyo in aan weli la wada fariisan.

innaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay, oo jaamacad ahaan, oo aan dhihi karno jaamacad waan aqoosanay, oo Academic Function ay leedahay, qaabka ay u sameysan tahay, tacliinta ay bixineyso, waan aqoosanahay, jaamacad aan dhihi karno ma jirto”. 
Waan qiyaaseynaa in jaamacaad badan oo dalka ku yaallo ay soo buuxinaayaan standards caalamiga ahaa ee jaamacaduhu lahaayeen ama wax u dhow, laakin weli iskuma imaan”.ayuu Yiri Wasiir Cabdiraxmaan Daahir.

Magaaladda Muqdisho iyo Goboladda dalka waxaa ku yalla Jaamacado ka badan 50 kuwaasi oo qaarkood bixiya taqasus gaar ah, inta badan waxaa lagu eedeeyaa tayada waxbarashadooda in aysan gaarsisaneyn heerkii loogu tala galay.

No comments